Ahlu Suna oo weerar rogaal celis ah ku qaaday Dhuusamareeb

Dagaal ayaa dib uga bilowday magaalada Dhuusamareeb ee xarnta gobolka Galguduud kaasi oo u dhaxeeya maleeshiyaadka Ahlu Sunna iyo Al Shabaab.

Dagaalyahano fara badan oo wata gaadiidka dagaalka oo ka tirsan Ahlu Sunna ayaa laba jiho kasoo weeraray Dhuusamareeb  si ay isugu dayaan mar kale ay qabsadaan Dhuusamareeb oo ay saakay ku waayeen gacanta Al Shabaab.

Dagaalka ayaa haatan ka socdo gudaha magaalada, waxaana la sheegayaa in uu ka xoog badanyahay kii saakay aroorti ka dhacay Dhuusamareeb.

Al Shabaab ayaa saakay dagaal ku qabsaday magaalada kadib marki ay si lama filaan ah ay uga soo galeen wadada ka timaado degmada Ceelbuur sida ay kusoo waramayaan wariyaasha ku sugan halkaasi.

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee dagaalki saakay iyo kan haatan ka socdo magaalada.

Dadka ayaa saakay ka firxaday magaalada iyaga oo ka baqayey in dagaal kale uu ka dhaco, waxaana ay u baxsadeen deegaanada jaarka la ah Dhuusamareeb.

Wixi kusoo kordho kala soco Midnimo.com