Ahlu Suna oo sheegtay in xireen laba sarkaal oo ka tirsan Al Shabaab

Taliska ciidanka Ahlu Sunna ee magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay qabteen laba sarkaal oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Farxan Macalin Cali taliyaha maleeshiyada Ahlu Suna ee Dhuusamareeb ayaa wariyaasha u sheegay in ragani laga soo qabtay deegaano hoos yimaada Dhuusamareeb kadib marki ay kusoo wargeliyeen dadka deegaanka.

Wuxuu sheegay in haatan ay ku jiraan xabsiga dhexe ee magaalada isla markaana dhawaan la hor geyn doono maxkamad.

Dhanka kalana masaajid ku yaala magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga soo saaray walxaha qarxa kuwaasi oo aanan la ogeyn cida gelisay sida uu sheegay Mr Farxaan.

Ahlu Sunna iyo Al Shabaab ayaa waxaa ka dhaxeeya cadawtinimo, waxaana dagaal ku saleysan mabda,a diineed oo dhexdooda ka bilowday sanadki 2009 uu galaaftay nolosha boqolaal dhalinyara ah oo u kala dagaalameysay.