Ahlu Suna oo isaga baxday Ceelbuur iyo Al Shabaab oo la wareegay

Al Shabaab ayaa saakay qabsaday degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud kadib marki halkaasi ka baxeen ciidamadi Itoobiya iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

Lama oga sababha ka danbeeya ka bixitaanka ciidamada is garabsanaya, waxaase la sheegay in saakay abaayo 6:00 subaxnimo ay ka ruqaansadeen maagalada Ceelbuur una dhaqaaqeen wadada aada magaalada Dhuusamareeb.

Maleeshiyaad taageersan Al Shabaab ayaa la sheegay in saacad kadib ay gudaha u galeen Ceelbuur kuwaasi oo u badan dad kasoo jeedo degmada.

Dad goob joog ah iyo wariyaal ayaa sheegay in gaadiidka kolonyo ah oo ay la socdaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlu Sunna ay dhaafeen iyaga oo ku socda jihada aada degmada Dhuusamareeb.

Waxaanan si dhab ah loo ogeyn sababta ay ciidamada Itoobiya uga baxeen Ceelbuur, hase yeeshee waxaa la leeyahay Ahlu Sunna ayaa is qilaafsan oo dhawaan waxaaba ka baxay Ceelbuur inti badneyd ciidankoodii oo aaday Dhuusamareeb iyo Guriceel..

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Ahlu Sunna ee gobolka Galguduud.