Aguero oo gool ugu dabaaldagay dhalashiida 24-aad

Gooldhaliyaha weyn ee kooxda Manchester City oo ay shalay aheyd sanadguurada dhalashadiisa 24-aad ayaa helay wax uu ku tilmaamay hadiyad qaali ah taasi oo aheyd gool uu u dhaliyey xalay xulka Argentine.

Laacibkaan ayaa dhaliyey mid ka mid ah goolashi ay xalay kaga badiyeen xulka Ecuador oo ay ku dubteen 4-0 ciyaar ka dhacday caasimada dalka Argentine ee Buenos Aires.

Wiilkani oo lagu naaneeso El Kun isaga ayaa bilaabay bandhiga goolasha, waxaa si is daba joog ah ugu xigsaday laacibiinta kala ah Gonzalo Higuain, Lionel Messi iyo Angel Di Maria, waxaana guushaasi ay u ogolaaneysaa xulka Argentina in ay kaalinta koowaad kala wareegaan xulka isla markaana ay sare ugu kacdo rajadooda ah isreeb reebka Koobka Aduunka.

Garoonka ayaa aad u camirnaa waxaana ciyaarta in aysan bilaaban ka hor ay laacibiinta salaameen kumanyaal ruux oo taageerayaal ah, kadibna waxay bilaabeen weerar aan kala go,laheyn.

Kulnak xiga waxay la ciyaari doonaan bisha September xulka Paraguay, iyaga oo markaasina wata 10 dhibood oo nadif ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.