Aguero oo ay sharaf u tahay u ciyaarida xulka Argentine

Xidiga sare ee xulka Argentina Sergio Aguero ayaa ku faraxsan inuu ka mid ah dhalinayarada dalkiisa wakiilka uga noqon doonta ciyaarta adag ee ay la qaadan doontaan xulka Ecuador.

Gooldhaliyahan kooxda Manchester City ayaa u dabaaldagaya sanadguuradiisii 24-aad Axada maanta sidaasi daraadeed caawa waxa uu u safanyahay xulka qaranka oo ciyaaraya kulan ka tirsan ciyaaraha is reeb reebka Koobka Aduunak ee sanaadka 2014-ka, ciyaartaasi oo ka dhici doonta garoonka Estadio Monumental.

Argentine waxay kasoo qaadatay todobo buundo afarti kulan ee ay ciyaartay caawana hadii ay badiso kaalinta koowaad ee Group-ka ay noqon doontaa.

“In aan caawa u ciyaaro xulkeyga waa hadiyda ugu fiican ee aan helo sanadguuradeyda 24-aad, sanadki 2002 ayaa la igaga yeeray xulka 15-rada Arjentine markaasina waxay aheyd sanadguuradeydi 14-aad, haatana waa tii 24-aad marka aad ayaan ugu faraxsanahay,” ayuu yiri.

Aguero ayaa xulka qaranka marki ugu horeysay loogu yeeray sanadki 2006 xiligaasi oo uu ahaa 18 jir tan iyo markaas wuxuu dhaliyey 14 gool 33 kulan oo caalami ah oo uu kasoo muuqday.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.