Aguero: Messi waa uu u qalmaa abaal-marinta Ballon d’Or

Weerraryahanka kooxda Manchester City ayaa aaminsan in xiddigga Barcelona uu u qalmo in uu ku guuleesto abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan Yurub.

Wuxuu kaloo sheegay in uu isna mar ku guuleesan doono abaalmarinta Ballon d’Or.

Cristiano Ronaldo ayaa ku dhaggan xiddiga reer Argentine’ oo ay aad isugu xifaalaan kubadda cagta.

Laakin 24-jirkan wuxuu lee yahay waxa suura gal ah in marka la isku barbardhigo labada ciyaartoy laga shacbiyad badan yahay xiddiga reer  Portuguese, maxaa yeelay ayuu lee yahay dhammaan ciyaaraha uu dheelay waxa uu gacan siiyay kooxdiisa iyo waddankiisa.

“Leo Messi  waa uu ku guuleesan doonaa  Ballon d’Or. Wax kasta ayuu u sameeyay marka loo eego kooxdiisa  Barcelona iyo marka ay ahaato kooxdiisa qaranka, Leo [Messi]  waa u qalmaa in uu ku guuleesto abaalamarintaas,”ayuu u sheegay bogga Ole.

ciyaaryahankii hore ee  Atletico Madrid oo hadda u ciyaara kooxda Ingiriiska ayaa sheegay in maalin uun uu gaari doono darajadaas.

“Waan ogahay in ay dhibadan tahay arrintaas, laakin waxan rajeenayaa in maalin aan ku guuleesan doono  Ballon d’Or. , waa mid ka mid ah riyooyinka aan lee yahay waana in aan noqdo xiddigga ugu wanaagsan adduunka,” ayuu yiri.

Aguero ayaa sidoo kale ka hadlay rajada uu ka lee yahay kooxda qaranka Argentina oo is-reeb u galeysa koonka adduunka ee sannadka 2014.

“Arrinta ugu wanaagsan waa is-reebreebka ciyaaradaha adduunka ee lagu qabanaayo dalka Brazil sannadka 2014. Haddii aan guul dareesano labo kulan waa wax dhib badan, maxaa yeelay waxaa loo baahan yahay dedaal,” ayuu ku sii daray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here