Agaasimihii hore nabad sugida oo arrimo badan shaaciyay

Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda qaranka Axmed Macallin Fiqi ayaa ugu baaqay culumaa’uddiinka Soomaaliyeed inay hal meel ah ay uga soo horheestaan Al-Shabaab, kuwaasoo sheegtay masuuliyadda weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Wuxuu la hadlaayay mid ka mid ah idaacaddaha, wuxuuna sheegay in culimada iyo dhammaan dadka wax-galka ah ay afkaar diini ah kula dagaallamaan Al-Shabaab oo uu sheegay inay sii baaba’eyso.

Agaasimihii hore ee nabad-sugida, Axmed Fiqi
Mr, Fiqi ayaa ka dhawaajiyay in culumada ay isku yimaadaan, oo go’aan diini ah oo wada-jir ah iyo fatwooyin ka soo saaran afkaarta al-Shabaab iyo kuwa haysta afkaartaas khaldan ee diiddan inay ka waantoobaan.

“Culumada waa inay door ka cayaaraan dagaalka, wax tari meyso in la qeyliyo kaddib marka al-Shabaab ay dadka disho,” ayuu yiri Fiqi oo ku boorriyey culumada inay dagaal toos ah la galaan kooxda ka hor intaan hal hal loo dhammeyn culumada.

Wuxuu sheegay in dagaalka lagula jiro kooxda uu yahay mid gabogabo ah, isagoo sheegay in laga soo gudbay sanadihii fikirka al-Shabaab iyo kan al-Qaacidda uu dalka ku xoogganaa oo uu sheegay inay ahaayeen sanadihii 2008 iyo 2009.

Wuxuu sheegay in maleeshiyo kor u dhaafeysa 800 oo ka soo goosatay kooxda lagu xannaaneeyo xero ku taalla magaalada Muqdisho.

Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda ayaa dhinaca kale kula taliyay waaliddiinta Soomaaliyeed inay ka war qabaan xaaladda ilmahooda, kuna dadaalaan waxbarashooda si looga hor-tago inay ku biiraan kooxda al-Shabaab.

Agaasimaha hay’adda nabad-sugidda qaranka Axmed Macallin Fiqi ayaa xilka iska casilay 25-kii March ee sanadkan.

Axmed Macallin Fiqi ayaa madax ka noqday hay’adda nabad-sugidda bishii May 24, 2011 xilligaas oo madaxweynihii dowladdii ku-meel-gaarka aheyd, Shariif Sheekh Axmed uu u magacaabay xilka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here