Agaasimihi Shabelle oo maanta lagu aasay duleedka Muqdisho (Sawiro)

Waxaa maanta qabuuraha Baqdad ee duleedka koonfur bari degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho lagu aasay meydka agaasimihi idaacada Shabelle Xasan Cisman Cabdi.

Xasan Fantastik oo ay xalay kooxo hubeysan ku dileen albaabka hore ee gurigiida oo ku yaala xaafada Nasteexo ama Jiira-Miskiin qofba sida uu u yaqaano ayaa waxaa meydkiisa laga bixiyey isbitaalka Madina oo xalay la dhigay.

Dad isugu jiray ehelkiisa iyo qaraabadiisa, saxafiyiin, dadka ay isku xaafada ahaayeen, culimad,udiin iyo aqoonyahano ayaa ka qeybgalay aaska marxuumka, kuwaasi oo wajiyadooda aad loogaga dareemayey sida ay uga naxsanaayeen geeriada ku timid wariye Fantastic.


Maxamed Cisman Cabdi oo ah nin la dhashtay marxuumka la dlay ayaa aaski kadib qabuuraha kula hadlay wariyaasha isaga oo ka warbixiyey taarikhda walaalkiisa, isaga oo sheegay inuu ku dhashay degmada Jilib ee gobolka J/dhexe sanadki 1981-ki.

Xasan ayaa waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare ku qaatay Muqdisho, isaga oo dugsiga sarana uga baxay Iskuulka Al Masal ee degmada Waabari sanadki 2006-di.

Waxa uu ifka kaga tagay hal xaas iyo sadex caruur ah oo da,doodu ay ka yartahay 10 sano.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.