Agaasimihi idaacada Shabelle oo caawa la dilay

Kooxo hubeysan ayaa caawa maqribki toogtay agaasimihi Radio Shabelle ee magaalada Muqdisho, Xasan Isman Cabdi (Fantastic).

Mr Fantastic ayaa waxaa toogtay kooxo ku hubeysnaa bistoolado xilli uu sii galayey gurigiisa oo ku yaala xaafada Nasteexo degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Faah faahin badan lagama hayo qaabka uu u dhintay iyo inta ay ahaayeen kooxda toogatay, isodo kale lama oga cida dishay sida ay shacisay caawa idaacada uu madaxda ka ahaa ee Shabelle.

Fantastic ayaa saxaada saxaafada kusoo biiray sanadki 2008, waxa agaasime ka noqdaqay Radio Shabelle sanadki 2010.

Wixi faah faahin ah ee kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.