Agaasimihi hore ee Honafric oo geeriyooday

ALLA ha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday agaasimihi hore ee Radio Horn Afric C/qadir Jiiroow  Sharmarke.

Mr. Sharmarke ayaa ku dhintay isbitaalka Banaadir halkaas oo maalmahan lagu dabiibayey waxaana lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho.

Geerida marxuumka waxaa xaqiijiyey madaxa maaliyada ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed C/rashiid Abiikar Deel.

“C/qadir Jiiroow wuu xanuunsanaa maalmahan, waxaana uu xalay ku geeriyooday isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho, marxuumka wuxuu ahaa nin usoo shaqeeyey umadiisa tacsi ayaana u direynaa dhamaan dadki uu ka baxay,” ayuu yiri.

Jiiroow Sharmaarke ayaa ka mid ahaa saxafiyiinti kasoo shaqeysay Radio Muqdisho xiligi dowladi hore, waxase marki danbe uu ahaa agaasimihi ugu danbeeyey ee Radio Horn Afrik oo ay sanadki 2010 bililiqeysteen Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.