Agaasimayaasha warbaahinta muqdisho oo maanta kulan yeeshay

Agaasimayaasha Warbaahinta sida Idaacadaha, Telefashinada, Websetyada, wakaaladaha iyo Ururka Saxafiyiinta NUSOJ oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho , waxa ay ka doodeen xaaladda Saxafiyiinta ka howlgasha magaalada Muqdisho oo dilal loo gaysanayo ay soo bateen.
Kulanka Agaasimayaasha kadib oo si weyn loogu lafa guray badbaadinta Saxafiyiinta ayaa waxaa la isla gartay in Wariyaasha loo sameeyo ilaalo u gaar ah marka ay u shaqo tagayaan magaalada iyo sidoo kale marka ay u hoyanayaan xaafadahooda si la mid ah sida loo ilaaliyo Xarumaha Warbaahinta.
Dhawaan ayay ahayd markii ay qaar katirsan agaasimayaasha idaacadaha muqdisho uu ku baaqay in agaasimayasha ay kulan isugu imaadan,kadib dilkii majaajiliiste marshaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here