Agaasimaha Radio Daljir oo caawa isku day dil ka badbaaday

War dag dag ah oo iminka nasoo gaaray ayaa sheegaya, in caawa uu isku day dil ka badbaaday agaasimaha guud ee Idaacadaha la isku yiraahdo Daljir.

C/fataax Geedi oo tifafatire u ah 7 idaacad oo ku mideysan magaca Radio Daljir ayaa la sheegay in kooxo ku hubeesnaa bistoolado ay weerareen xilli uu kasoo baxay xarunta idaacada Daljir laanteeda qeybteeda Gaalkacyo.

Sida uu xaqiijiyey Mr. Geedi ayaa waxaa lagu riday afar xabadood oo ILAAH mahadii ka dhex baxay shaarki uu ku labisnaa.

Magaalada Gaalkaco ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee lagu ugaarsado saxafiyiinta, sanadkaan gudahiisa waxaa lagu dilay wariye Farxaan Jeemis Cabdulle oo ka tirsanaa saxafiyiinta ka howlgala Puntland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here