Agaasimaha Nabad sugida iyo Taliyaha Ciidamada booliska oo la magacaabay

Shir maanta oo (Khamiis) ah isugu imaadeen golaha wasiirada xukuumada Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyaha guud ee Ciidamada booliska Soomaaliya, iyo Agaasimaha guud ee hay’ada nabad sugida qaranka Soomaaliya.

General Saacid Daahir Saciid, waa taliyaha cusub ee Ciidamada booliska Soomaaliya, waxaana uu horay u ahaan jiray ku xigeenka taliyaha booliska Soomaaliya.

Dhanka kale isla shirka ayaa lagu magacaabey Agaasimaha rasmiga ah ee hay’adda nabadsugidda Qaranka Waxaana lo magacaabey Gen. Bashiir Maxamed Jaamac oo dowladii Shiikh Shariif la soo shaqeeyey, horeyna arrimaha ciyaaraha uga shaqeyn jiren.

Doowlada Cusub ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa maalmihii lasoo dhaafay isbadal ku haysay saraakiisha iyo jeneraalada ugu sareysa Ciidamada doowlada, waxaana horay xilalkooda u waayay Taliyaha guud ee Ciidamada XDS iyo abaanduulaha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. Shariif Sheekuna waa dembiile oo galey Dembi Dagaal , Kufsi, ku takrifal awoodda dawladeed iyo Xarig sharci darro ah ka dib markii uu si cad ugu yiri Idaaxadaha in Maskin Luul Cali iyo Koronto ay yihiin DEMBIILEYAAL QARAN.

    Sheekhunaa wuxuu kaloo dembi sidaas la mid ah ka galey Odey-dhaqmeedyo Tunni ah oo Caafimaad u yimid Muqdishu kana diideen iney aqoonsadaan Suldaan gacan ku rimis ah ee isaga iyo Shariif Sakiin iyo Nuur Goobe ku sameeyeen Shirkii Xamar iyagoo ku yiri Suldaanka waa Faqi Xaaji Awiisa, markaasna uu Raadiyaha ugu direy Gen. Maxamed Maalin oo yirii ” ODEYAASHA WAXAA KU XIREY AMARKA TALIYAHA, MAXAA YEELEY WAA AL SHABAAB”.

    Intaas kuma ekee wuxuu si toos ah ugu xad gudbey sharciyadii dalka u yaaley oo ahaa Xuquuqda Aaadanaha , kan Warbaahinta, Haweenka, Wayeelka iyo Caruurtaba.

    Dacwad ayaa ay ka gudbisey Hay’adda u dooda Xuquuqda aadanaha oo hor-taal Maxkamadda Caalamiga ah ee dembiyada Dagaalka “HEGUE”, waana bilaaban doonta mar dhow haddii eebbe yiraahdo, mana dhaceyso in laga haro ilaa laga marsiiyo Cadaaladdii uu isaga iyo Kooxdiisa u diideen Masaakintii ay Madaxda u ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here