Agaasihmihi hore ee Radio Somaliweyn oo goor dhaweyd la dilay


Waxaa goor dhaweyd oo maqribti ah lagu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho agaasimihi hore ee Radio Somaliweyn Abukar Maxamuud Gadaf.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joog ah marxuumka ayaa waxaa toogtay sadex nin oo bistoolado ku hubeesnaa kuwaasi oo dilay xilli uu garaacayey albaabka gurgiisa oo ku yaala xaafada Xaawo Taako ee degmada Wadajir.

“Waxa dishay sadex wiil oo dhalinyara ah, aniga waan arkayey waxa uu ku hadlayey xiligaasi telfoon kadib mid ka mid ah wiilasha ayaa u fooriyey marki uu soo jeestayna xabado ayey ku bilaabeen, shan xabadood ayey ku dhifteen marki ay hubiyeen inuu dhintayna si tartiib ah ayey goobta uga tageen,” sidaa waxaa yiri goobjooge lagu magacaabo Axmed.

Lama oga ujeedada ka danbeysa dilkiisa iyo cida beegsatay, waxaana haatan xaafada uu dilka ka dhacay ku sugan ciidamada maamulka degmada Wadajir inkastoo aysan qaban dadki dilka ka danbeeyey.

Abuukar Gadaf ayaa ka mid ahaa dadka sida weyn uga dhexmuuqday bulshada magaalada Muqdisho, waxaana uu ka tirsanaa ururada dhalinyarada ee gobolka Banaadir.

Idaacadi uu madaxda ka ahaa ee Radio Somaliweyn ayaa waxaa boobay ururka Al Shabaab sanadki 2009 xiligi ay Al Shabaab qabsan jireen waqooyiga magaalada Muqdisho gaar ahaan  degmada Boondheere oo ay ku aali jirtay.

Dilka marxuumkan ayaa noqonaya kii afraad oo todobaadkan gudihiisa ka dhaco degmada Wadajir, waxaana haatan jiro walaac isa soo tarayo oo ay qabaan dadka ku nool degmada Wadajir kaasi oo ah amaanka oo faraha kasii baxayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.