Afhayeenka Ururka Al-Shabaab oo ka Hadlay Weerarkii Buulo Mareer

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali maxamuud raage Cali Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in Faransiiska uu ku fashilmay weerarkii aay ku qaadeen Buulo mareer.

Wuxuu sheegay in weerarkaasi ay iska kaashadeen Saddex Dowladdoo oo uu ku kala sheegay Ingiriiska Mareykanka iyo sidoo kale Faransiiska oo uu sheegay in hwolgalkaasi oo uu horkacaye.

Afhayeenka Shabaab ayaa dhanka kala sheegay in khasaaro kala duwan uu kasoo gaaray ciidanka faransiiska ah ee weerarkaasi soo qaaday ayna ku fashilmeen ujeedkii ay lahaayeen.

Wuxuu baaq udiray dagaalyahanada iminka ka  dagaalamaya dalka maali isaga oo ugu baaqay inay sii wadaan dagaalka una dulqaataan werarka diyaaradaha dalka Faransiiska ay ka wadaan dalkaasi.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dagaalyahanada dalka Mali inay la garab taagan yihiin hiil iyo hooba inataba.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here