Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo ka badbaaday isku day lagu doonayay in lagu qaarijiyo

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day isaga lgu dili rabay kadib marki ay miino la qaraxday baabuurkiisa gaarka ah.

Maxamed Cabdullaahi Cariig ayaa sheegay in miinada nooca mobile-ka laga soo waco loo dhax dhigay gaarigiisa kaasi oo uu sheegay in ay isla xayba ku arkeen ilaaladiisa gaarka ah ka hor inta aaney saakay qarxin.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugida ay ku war geliyeen miinada balse saakay aroorti inta aanan loo qalab qaadan ay qarxiyeen kooxihi dhigay miinada.

Baabuurka la qarxiyey ayaa ahaa gaarigiisa uu isaga sida shaqsiga u lahaa sida uu xaqiijiyey Mr Cariig, waxa kale oo uu sheegay in miinadaasi lagu rabay in isaga lagu qaarijoyo.

Ururka Al Shabab ayuu ku eedeeyey in ay ka danbeeyaan weerarkaasi, waxaana hada guud ahaan bur buray baabuurka oo ahaa kuwa raaxada sida uu qiray Cariig.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.