Afhayeenka Ciidamada Jubooyinka “Qabsashada Kismaaayo Waxyar Baa Naga Xiga”

Afhayeenka Ciidamada Dowladda ee Gobolada Jubooyinka Maxamed Daahir Faarax oo waraysi siiyay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay duqayn magalada Kismayo iyo deeganada ku xeeray loogaysanayay Shalay ilaa iyo Xalay taas oo uga imaanaysa haeada iyo bada Mas’uuliyadeeda lahayd dowlada kaynya.

Max’ed Faarax ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda, Kenya iyo kuwa Raaskambooni iminka ay ku taagan yihiin wadadii lagula wareegi lahaa Magaalada Kismaayo sida uu hadalka u dhigay.

“Waxyar baa naga xiga Magaalada Kismaayo maahan Guri la galayo, lagana baxayo ee waxa halkaasi ku dhiman doona dad badan, kuwa kalena ku dhaawacmi doona, hadda anaga waxaan leenahay waxaan haynaa wadadii aan kula wareegi laheyn Magaalada Kismaayo”

Ciidamada Dowladda kaashanaya Kuwa Ciidamada Dowladda, Kenya oo mudooyinkii dambe dagaalo kula jira Ururka Al-Shabaab Deegaanada G/Jubada hoose ayaa waxaa ay dhowr mar oo hore ku cel celiyeen in ay la wareegayaan gacan ku haynta Kismaayo oo ah Magaalo Istiraatiji ah .

Sikastaba Waxa mudooyinkaan magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose joogto Ka noqday Duqeymo ay geysanayaan Maraakiib iyo Diyaarado Dagaal oo leedahay DowladaCiidamada Kenya

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here