Afhayeenka Ciidamada Gobolada Jubboyinka oo Ka Warbixiyay Dagaalo Ka Dhacay Jubboyinka

Afhayeenka ciidamada xooga dalka ee gobollada jubboyinka Aadan Xirsi ayaa ka warbixiyay dagaalo culus oo ka dhacay halkaas.

Aadan ayaa tilmaamay in dagaalada ay ka dhaceen deegaano ay kamid yihiin Hosingow, Wadada isku xirta Badhaadhe iyo Kismaayo, Afmadow, Janna Cabdalle iyo qeybo kale.

Afhayeenka ayaa xusay in dagaaladaasi ay Al-Shabaab kaga dileen 25 dagaalyahano hubna ay kaga qabsadeen.

Afhayeenka Aadan Xirsi ayaa carabka ku dhuftay in sidoo kale dagaaladaasi ay ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabab oo laga magacaabo Cabdi Madeer .

Aden ayaa wacad ku maray in hawlgalada ay sii socon doon inta ay Al-Shabaab ka saarayaan gobbolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Sikastaba waxaa socday dagaallo u dhexeeyey ciidamadda dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-Shabaab kuwaasi oo ka dhacayey gobbolada Jubbooyinka, Shabellaha Hoose iyo Bay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here