Afhayeenka Baarlamaanka oo cambaareeyey dilki xildhibaan Mustaf

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa si kulul u cambaareeyey dil xalay loogu geystay Muqdisho mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka.

Mr. Jwaari oo la hadlay warbaahinta ayaa tacsi u diray qosyka uu ka baxay marxuumka, isaga oo shegay in maanta aas qaran loogu sameeyn doono mid ka mid ah qabuuraha caasimada.

“Aad ayaan uga naxay dilkiisa, wuxuu ahaa xildhibaan jecel isbadalka iyo horumarka dalka, kuwi dilay waa dad mar kasta raba in gadaal loo socdo oo aanay Soomaaliya dhibka ka bixin,” ayuu yiri.

Dilka xildhibaan Mustax Xaaji Maxamed ayaa waxaa ka danbeeyey labada nin kuwaasi oo ku toogtay banaanka hore ee gurigiisa oo ku yaala degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaankaasi la dilay oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka cuusb ee ka kooban 275-ka ayaa waxaa uu dhalay mid ka mid ah xaasaska madaxweynihi hore ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here