Afhayeenka Baarlamaanka Dijbouti ” Labada garab ee Barlamaanka waa ka soo qayb galayaan (Dhageyso)

Wareysi galabta ka baxay VOA ayaa Afhayeenka Baarlamaanka Djibouti Idiris Arnaa’uud Cali  sheegay in madaxdii barlamka xilka laga qaaday iyo kuwa cusub ay ka wada  qayb galayaan shir

Madooba Nuunow Maxamed oo xubno baarlamaanka ka tirsani sheegeen inay guddoomiyaha cusub u doorteen ayaa sheegay inuu horay ugu sii socon doono, shir-guddoominta howlaha baarlamaanka, xukuumaddana uu ka codsanayo inay soo gudbiso hawlaheeda.

 

 

Dhageyso Waresiga Madooba Nuunow Maxamed

 [powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/01/madoobenunow.mp3″]


Dhageyso wareysiga Idiris Arnaa’uud Cali

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/01/idiris.mp3″]

Dhinaca kalena, Afhayeenka Baarlamaanka Djibouti Idiris Arnaa’uud Cali ayaa sheegay in shirka baarlamaanada IGAD ee Djibouti ka socda ay Soomaalidu korjoogeyaal ka ahaanayaan, oo labada garab ee shirka ay labada u ogolanaayaan inay joogaan shirka.

Afhayeenka Baarlamaanka Dijbouti ayaa sheegay in ay martiqaad u direen Shariif Xasan Sheekh Aadam, martiqaadkuna uu baxay intii aanu baarlamaanku kala qeybsamin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com