Afhayeenka AMISOM: “Saameyn Naguma Yeelanayso Xilliga Kala Guurka”

Cali Aadan Xaamud, Afhayeenka Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM  ayaa sheegay in dhawaan Dalka Soomaaliya ay imaan Doonaan Ciidamo ka socda Dalalka Siiraaliyoon iyo Jabuuti sida uu sheegay.

Afhayeenka wuxuu  sheegay in ciidamada ka imaanaya labada dal ay soo hormari doonaan Ciidamo uu sheegay inay dhamaystir u yihiin kuwa ka socda Dowlada Jabuuti.

Wuxuu sheegay Cali Aadan Xaamud in Ciidamadaasi la gaarsiin doono Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan si ammaanka gobolkaasi ay ula wareegaan.

Dhanka kale Cali Aadan Xaamud, Afhayeenka Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay bisha Agoosto oo ah xilli laga gudbayo KMG, loona gudbayo Dowlad Soomaaliyeed, aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin Ciidamada AMISOM.

Wuxuuna caddeeyay inay Shaqadoodu tahay la shaqeynta cid kasta oo lasoo doorto sida uu yiri.

Hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Cali Aadan Xaamud, ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Dalka ay soo gaareen Saraakiil ka socota Dalka Siiraaliyoon, kuwaasi oo ah Boolis la shaqeynaya Booliska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here