Afhayeenka AMISOM oo ka Warbixiyey Ciidamo la Geeyey Beledweyne

Ciidamo hore leh oo katirsan kuwa AMISOM ayaa la geeyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana saxaafadda uga warbixiyey Afhayeenka Ciidamada AMISOM.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadaasi ay qeyb ka yihiin ciidamada AMISOM ee la geeyey Beledweyne waxa uuna xusay in tiro ahaan ay yihiin hal battalion.

Col. Cali Aadan Xumad ayaa intaasi ku daray in tirada ciidamadaani ay ka dhigeyso ciidamada jooga Beledweyne ee AMISOM ilaa 300 askari.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyn waxaa la weydiyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee kaabiga ku haya magaalada Jowhar ayaa waxa uu sheegay in qorshahaasi uu yahay mid lagu doonayo in lagula wareego Jowhar, waxa uuna ballan qaaday in dib ay saxaafada ugu soo sheegi doonaa wixii dheeraad ah.

Magaalada Beledweyne ayaa kadib ah goobaha ay horay loo geeyey Ciidamada AMISOM gaar ahaana kuwa Jabuuti ka socda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here