Afhayeenka AMISOM oo ka Hadlay Xaaladda Kismaayo

Xilli Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay qarka u saaran yihiin in ay qabsadaan magaalada Kismaayo ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Afhayeenka AMISOM.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in aysan ku deg degeyn in ay gudaha u galaan Kismaayo taaso oo uu ku tilmaamay in suurtagal tahay in shabaab magaaladda ay ku aasan Miinooyin.

Afhayeenka AMISOM ayaa qiray in saraakiishii shabaab inta badan ay isaga baxeen gudaha magaaladda Kismaayo isla markaana magaalada ay kusoo hareen Ciidamo tira yar.

Cali Aadan Xumad ayaa ku nuux nuuxsaday in magaaladda ay faaruq tahay isla markaana loo baahan yahay in laga fiirsado ku deg degista galista magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa dadka rayidka ah ugu baaqay in ay isdejiyaan isla markaana ay magaalada kusoo dhoweeyaan Ciidamada huwanta ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here