Afhayeenka Alshabaab Shiikh Cali Dheere oo sheegay in Kismaayo la doonayo in gumeysi la geliyo

Afhayeenka guud ee ururka Alshabab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo ka hadlay xaalada magaalada Kismaayo ayaa sheegay in la doonayo in gumeysi la geliyo magaalada dekeda ah ee Kismaayo.

Sheekh Cali Dheere waxa uu sheegay in ujeedada ka dambaysa Kenya ay tahay in looga taliyo magaalada Kismaayo sida ay u maamulaan Mandheere iyo Garisa.

Afhayeenka  ayaa waxa uu ku hanjabay in ay weerari doonaan magaalada Kismaayo isla markaana ay si nabad ah ku joogi doonin ciidamada la wareegay gacan ku haynta magalada Kismaayo.

Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ka soo jeeda gobolada Jubooyinka inay dadaal u galaan sidii ay ugaga qeybqaadan lahaayeen ka saarida ciidamada soo galay dhulka Jubooyinka ayna dagaalka Jihaadka ka qeybgalaan.

Ururka Alshabaab ayaa waxaa ay isaga baxeen magaalada Kismaayo kadib markii ciidamo ka socda Kenya iyo kuwa dowlada ay weerar isugu jira cirka, dhulka iyo badda ay ku qaadeen. Waxaana haatan gacan ku haynta magaalada Kismaayo la wareegay ciidamada huwanta iyadoo la wado in maamul loo dhiso magalada Kismaayo.

 

2 COMMENTS

  1. Labba aflayn badanna,hadba shaar soo huwo, Kismaayo Cali dheere awalba xaaraan baad ku joogtay,waxii kuu qarsoona oo indho sarcaadka ahaa waa qarxeen Qabyaalladii iyo isir nacaybkii iyo barakicintii waa taas dadow arka sheekaddii USC buu wadaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here