Afhayeenka Al-Shabaab “Kismaayo in Aan ka Baxno Waxaa ka Horeysa in Dhiig Badani Daato”

Afhayeenka guud ee Xarakada Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo la hadlay Warbaahintooda ayaa beeniyey wararka maalmihii ugu dambeeyey sheegayay in Xarakada Al-Shabaab ay guud ahaanba faarujiyeen Kismaayo.

Afayeenka ayaa waxaa uu sheegay in Ka bixitaan ay ka baxaan Magaalada Ksmaayo ay ka horeyso in uu dhiig badani daato oo Xoog looga Saaro inta ka horeysana ay halkaa ku sii dhaqi Doonaan Shareecada Islaamka .

Sheekh Cali Maxamud Rage ayaa tilmaamay in ciidamada Al-Shabaab marna aysan ka bixi doonin magaalada , waxa uuna carabka ku adkeeyey inay difaacayaan shacabka iyo magaalada Kismaayo.

Cali Dheere ayaa intaasi ku daray in waxa uu ugu yeeray gaallada ay doonayaan inay baabi’iyan diinta Islaamka ayna dhac iyo boob u geystaan shacabka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigaye.

Digniin ayuu Udiray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ee ka dagaalamaya Gobolka Jubadda hoose isagoo si gaar ah Digniintiisa ugu diray Ciidamada kenya ee Qaybta ka ah Kuwa AMISOM waxaana uu sheegay in dhibaatada ay iyagu ku Dambey Doonaan hadana ay dhibaato Badan gaarsiiyeen .

Maalmihii dambe ayaa waxaa jiray warar sheegayey in Al-Shabaab ciidamadeeda iyo saraakiisheeda ay isaga baxeen magaalada Kismaayo ee gobbolka Jubada Hoose.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here