Al Shabab oo qiray in ay lumiyeen Shalaanbod iyo Cag Libaax

Afhayeenka dhanka weerarada Al  Shabaab ayaa ka hadlay dagaladii shalay ka dhacay gobolada sh. hoose iyo sh,dhexe isagoo xaqiijiyay in ciidamadooda laga saaray deegaamo ey horay ooga talin jireen xarakada.

Afhayeenka Shabaab ayaa sheegay in laga qabsaday dhamaan deegaano ey ka talin jireen wuxuu sidoo kale sheegay in qasaaro xoogan ey gaarsiiyeen ciidamada dowlada iyo kuwa amisom.

Abuu Muscab Waxaa uu sidoo kale Deeganada uu qirtay in lagala wareegay Al-Shabaab ay yihiin Deeganada Shalaanbood ee Gobolka Sh. Hoose, halka uu ku sheegay in Dagaaladii J/ Hoose lagala wareegay Cag Libaax oo Magaalada Kismaayo u jirta 55 km.

Dhanka kale Afhayeenkaani Al-Shabaab ee dhinaca Dagaalada ayaa waxaa uu sheegay in ay aad ugu Faraxsanyihiin in ay Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay la weareegaan deegaanadaasi, waxuuna ku sheegay farxadaasi in ay tahay deegaanadii ay dagaalada ka soo qaadeen ay haatan Al-Shabaab ku suganyihiin.

Sikastaba Dagaalada Shalay ka dhacay labadaa Gobol ayaa ahaa kuwa aad u xooganaa, iyadoo uu Dagaalka G/J/ Hoose uu ahaa mid 3 jeer ay isku soo noq noqdeen Ciidamada Dagaalayay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here