Afgooye oo xasiloon iyo AMISOM oo guul sheegatay

Waxaa galabta xasiloon xaalada degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kadib marki ay duhurnimadi maanta la wareegeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM.

Ma jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmaan gudaha magaalada, hase yeeshee ka hor inta aysan kasoo dhaqaaqin koontaroolka Baar Ismaacil ee duleedka magaalada ayaa waxaa jiray madaafiic iyo rasaas ay isku weydaarsadeen Al Shabaab.

Afhayeenka AMISOM, Lt-Col Paddy Ankunda ayaa sheegay in qabsadeen magaalada istaraatiiji ah, sidoo kalana aysan Al Shabaab kasoo waaqsan doonin luminta magaalada.

Afgoye was a major stronghold of the al-Shabab group, giving their fighters easy access to the capital.

“Waxaa laga yaabaa in tani aysan waligood kasoo waaqsan. magaalada waa mid weyn oo buuq badan, waxaa jira meelo kala duwan, waa magaaladi labaad oo muhiim ah oo ku xooganaayeen Al Shabaab marka laga reebo Kismaayo,” ayuu yiri Ankunada.

Laakin warar aanu ka helnay halkaasi ayaa sheegaya in la bililiqeystay xarunta maamulka oo ay Al Shabaab uga tageen raashin kuwaas oo ay dad badan boobeen.

Afgooye ayaa ah magaalo ay Al Shabaab kaga soo qaadi jireen ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom dagaalada ka dhaca caasimada iyo nawaaxigeeda kuwaasi oo bilowday marki ay ka baxeen Shabaabka Muqdisho bishi August.

Inkastoo ay la kulmayaan cadaadis iyo dagaalo kaga furan ilaa iyo shan jiho, hadana Al Shabaab iyagaa ayaa maamula inta badan dalka Soomaaliya Koonfurtiisa.

Dagaalka ay dowlada KMG iyo ciidamada Amisom ku qabsadeen Afgooye ayaa bilowday Talaadadi lasoo dhaafay, waxayna ciidamadu iska ilaaliyeen in ay adeegsadaan wadada weyn ee laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye halkaas oo deegaan u ah dad gaaraya 400,000 oo ruux.

Afgoye, oo 30km (18 mile) dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa ah magaalo istaraatiiji ah oo isku xirta caasimada iyo gobolada waqooyi, galbeed iyo koonfurta Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.