Afgooye oo Dab ka Kacay iyo Maamulka Degmadaasi oo Faah Faahin ka Bixiyey Dabkaasi

Sida ay sheegeen dad ku dhaqan degmada Afgooye waxaa xalay halkaasi ka kacay dab khasaare geystay gaar ahaan halka loo yaqaano koontaroolka Bar Ismaaciil.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay koronto goobta ka dhaweyd waxaana la sheegay in dhismo goob ganacsi ahayd dabka uu saameyn ku yeeshay.

Dadka deegaanka ayaa daqiiqado kadib waxay ku guuleysteen in la damiyo dabkaasi waxaana jira hanti aan la ogeyn intay gaarsiisan tahay oo dabka uu baabi’iyey.

Gudoomiyaha degmada Afgooye C/llaahi iideey oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ciidamada dawlada ee kusugan degmadaasi ay ka qeyb qaateen ugurmashada dadkii saameyey dabkaasi.

C/llaahi Iideey waxa uu kaga tacsiyey dadkii ku ceyrtoobay dabkii xalay ka kacay afgooye taasi oo iminka laga dareemayo raad reeb dabkii halkaasi ka kacay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dab uu ka kaco gudaha degmada Afgooye waxaana dhowr jeer sidaan oo kale dab uu uga kacay gudaha degmadaasi khasaaro hantiyeedna geystay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here