Afgooye-Ciidamada AMISOM & kuwa DF oo adeegsanayo Helicopters oo saakay weeraray Al-shabaab

Ciidamada Doowlada oo weeraray al-shabaab
Ciidamada Doowlada oo weeraray al-shabaab

Ciidamada Doowlada Soomaaliya oo garab milatari ka helaya kuwa AMISOM, ayaa lagu soo waramayaa ineey saakay weerar xoogan ku qaadeen dagaalyahano al-shabaab katirsan oo ku sugnaa deegaano u dhow dhow magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Wararka ayaa sheegaya in duqeyn xoog leh iyo iskahorimaad hubeysan uu ka dhacay deegaano ay ka mid yihiin Mareerey,Caanoole iyo Sabiib oo 12 km u jira degmada Afgooye ayna dagaalka ka qeybgaleen diyaarado helikabtar ah.iskahorimaadka ka dhacay deegaankan ayaan la ogeyn qasaaraha ka dhashay.

Dad ku sugan deegaanada uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in dadka degen deegaanada ay ka carareen iyagoo miciin biday inay u qaxaan deegaano kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here