Afar wariye oo qabay dhaawacyo halis ah ayaa maanta loo qaaday dalka Jabuuti

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta u qaaday dalka Jabuuti afar saxafi oo ka mid ahaa wariyaashi ku dhaawacmay qaraxi lagu weeraray Tiyaatarka Qaranka horaanti bishaan.

Wariyaasha la qaaday oo kala ah, Deeqa Maxame, Xamdi Maxamed Xasan, Saciid Shire Warsame iyo Xamdi Maxamed ayaa waxa hor boodayey oo hogaaminayey safarkooda agaasimaha wasaarada warfaafinta C/rasaaq Bahlaawi.

Wasiiru dowlaha Warfaafinta, C/laahi Bile Nuur ayaa sheegay in dhaawacyadani loo diray dalka Jabuuti ay uga mahad celinayaan dowlada Jabuuti oo uu sheegay in ay mar walbaa si walaaltinimo ah u garab taagantahay dadka Soomaaliyeed.

“Waxana maanta dhoofinay afar ka mid ah wariyaashi qaraxi Tiyaatarka, waxaan dalab weydisanay dowlada Jabuuti gaar ahaan safaaradeeda Muqdisho, safaaradana codsigi waxaa uga soo jawaabtay wasaarada caafimaadka, aad baan uga mahad celineynaa arrintaasi waxayna na tuseen walaalnimo,” ayuu yiri.

Saxafiyiintaan ayaa ka mid ahaa tobaneeyo ruux oo ku dhaawacmay qaraxi ka dhacay Tiyaatarka Qaranka kaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10-ruux oo ay ku jireen madaxdi Isboortiga Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.