Afar Soomaali ah ayaa ku dhimatay Shil baabuur oo ka dhacay Mareeykanka

A crash about 8:46 a.m. this morning left four dead and two seriously injured after the drive or a van lost
A crash about 8:46 a.m. this morning left four dead and two seriously injured after the drive or a van lost

Afar qof oo Soomaali ah oo saddex ka mid ah ay dumar yihiin ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay gobolka Iowa ee dalkan Maraykanka.

Abdi Axmed Maxamed “Guulwade” oo ka mid ah Soomaalida degan gobolka Iowa ayaa VOA u sheegay in afartan qof ay ahaayeen hal qoys oo isdhalay oo kala ahaa Hooyo, wiil iyo gabar ay dhashay iyo gabar ay edo u tahay.

Mas’uulliyinta ayaa sheegaya in shilkan oo ka dhacay magaalada Postville ee Iowa uu dhashay kadib markii baabuurka ay Soomaalidu wateen ay isku dhaceen baabuur kale oo weyn.

Shilkan ayaa waxaa ku dhaawacmay darawalkii baabuurka weyn waday iyo qof kale oo rakaab ahaa oo la saarnaa.

Xigasho:VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here