Afar siyaasi oo laba ka mid ahi kasoo jeedaan Beesha Daarood ayaa isu soo sharaxay gudoomiyaha baarlamaanka

Afar siyaasi oo caan ah ayaa maanta iyo caawa sheegay in ay isu soo sharaxeen xilka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Siyaasiyiintaan ayaa waxaa ka mid ah Cali Khaliif Galyer oo horay dalka uga soo noqday Ra’isulwasaare, iyo C/rasaaq Jurille oo labaduba kasoo jeedo beesha Daarood, labada kalana waa Prof. Jawaari oo kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kasoo jeedo Dir.

Sida looga bartay gudoomiyaha baarlamaanka, waxaa dowladihi dalka soo maray dhamaantood kusoo bixi jiray nin kasoo jeedo beesha Digil iyo Mirifle, hase yeeshee waxay haatan u muuqataa in xilkaas ay ku loolami doonaan beelaha Soomaalida.

Wali ma jirto qof ka tirsan beesha Hawiye oo isu soo taagay xilkaasi, sida la isla dhaxmarayana dhamaan qabaa,ilka Hawiyaha waxay ku heshiiyeen in siyaasi ka mid ah uusan isu soo taagi karin xilka gudoomiyaha baarlamaanka.

Hadii ay dhacdo in siyaasi kasoo jeedo beesha Daarood inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa beesha Digil iyo Mirifle ay marki ugu horeysay heli doonaa Ra’isulwasaare.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa la dooran doonaa 26-ka bisha August.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here