Afar Nin oo Maanta Loo Qisaasay Nin ay Horey u Dileen Deegaanka Gawaan ee Gobolka Mudug

Waxaa goor dhow afar nin lagu toogtay deegaanka Gawaan oo hoos taga  Degmada Hobyo ee gobolka Mudug, kadib marki ay ku cadaatay inay dileen Nin isagana ka mid ahaa dadka deegaankaasi.

Maamul Goboleedka Galmudug oo falkan la wareegay ayaa baaritaano dheer ku sameeyay dilka ay kooxdan u geysatay Ninka kale, waxaana ku cadaatay inay ka dambeeyeen falkan dilka ah.

Ragaan afarta ah ayaa la sheegay inay qirteen dilka Ninka, iyagoo sheegay inay si wadajir ah u dileen ninkaasi, iyadoo maamulka Galmudug uu ugu bishaareeyay Ragaan in iyagana afartooda la wada toogan doono.

Afarta Nin ayaa goor dhow lagu toogtay Deegaanka Gawaan oo u dhow degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, waxaana qisaastan uu maamulka kaga hor tagayaa in ay dhacdo dhibaato dhinacyada beelaha wada daga Gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanada uu gacanta ku hayo Maamulka Galmudug State.

Waa marki ugu horeysay ee maamulka Galmudug uu toogto dad la sheegay inay dileen dad kale, iyadoo taasi ay ka qeyb qaadaneyso amaanka, isla markaana yareyneyso dilalka macno darada ah ee loo geysto dadka shacabka ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here