Afar nin oo lagu toogtay maanta magaalada Nairobi

Booliska Kenya ayaa toogasho ku dilay afar nin oo looga shakisanyahay in ay ahaayeen burcad deegaanka Kyuna ee magaalada Nairobi.

Wargeyksa Standard ee dalka Kenya ayaa ku waramay in weerarkaasi uu ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan booliska kaasi oo ay rasaas madaxa ka haleeshay inti ay socotay tacshiirad ay is dhaafsadeen koox burcad aheyd iyo ciidanka booliska.

Kooxaha burcada ah ayaa dilkoodu ka danbeysay marki ay isku dayeen in ay cagahooda ku baxsadaan marki ay ka war heleen booliska xilli ay isku dayayeen in ay dhacaan gaariga nin rayid ah.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in sirdoonka xaafada Kayole ay kudaba jireen ragaan oo ku hubeysnaa laba qori oo ah nooca lagu farsameeyo guryaha.

Waxa kale oo uu sheegay qofkaan goob joogaha ah in uu jiray iska hor imaad dhex maray burcada iyo booliska, kadib marki ay diideen in ay hubka dhigaan gacmahana kor u taagaan.

“Waxay isku dayeen in ay baxsadaan laakin iyaga oo sii cararaya ayey dhexda ka galeen booliska kuwaasi oo marki hore rasaas kor ugu riday ka hor inta aysan toogan marki ay isku dayeen in ay xoog ku baxsadaan,” waxaan arkay nin isbitaalka loo sii wado oo kaasi oo ay sheegeen inuu ahaa sarkaal ka tirsan booliska,” ayuu yiri goob joogahan.


Taliyaha qeybta booliska ee magaalada ee hareeraha magaalada Nairobi Anthony Kibuchi ayaa sheegay in kooxaha la dilay ay qorsheynayeen in ay dhacaan gaariga nin ganacsade ah oo si weyn loogaga yaqaanay magaalada.

Waxa kale uu sheegay in laba ka mid ah burcada ay baxsadeen kuwaasi oo uu mid ka mid ah ku hubeysnaa bistoolad.

Sida ay ku waramayaan wariyasha ku sugan magaalada Nairobi, afarta nin ee burcada ah ee la dilay maanta ayaa noqonaya kuwi 13-aad ee tan iyo todobaadki hore ay booliska ku tooganayaan magaalada Nairobi iyo deegaanka Uthiru kuwaasi oo isku dayayey falal burcadnima ah.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.