Afar kamid ah Diyaaradaha Turkish Airlines oo maanta kusoo degtay Garoonka Muqdisho

Illaa afar diyaaradood oo Turkish Airlines ayaa saaka si kala gaar ah uga soo degtay garoonka, kuwaasoo waday rakaabkii dib u dhaca ku yimid afartii maalmood ee la soo dhaafay.

Labo ka mid ah diyaaradaha ayaa ka soo kicitimay magaalada Mombasa oo labadii cisho ee u dambeysay ku hoyaneysay, halkaasoo geysay rakaabkii ay ka soo qaaday Istanbul ee suura geli waayay in maalmihii Jimcihii, iyo sabtidii keenaan magaalada Muqdisho.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa u soo degi weyday cillado xaga hawada ah, waxaana sabab u aheyd dabeylo dhanka badda ka jiray, iyo in diyaaradda aan loo ogoleyn in magaalada muqdisho dusheeda soo marto, sababo amni awgeed.

Hey’adda Maareynta Hawada ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay door ku aadan dhanka saadaasha hawada ka qaadatay, sidii diyaarada Turkish Airlines ay u soo caga dhigato garoonka.

Qaar ka mid ah rakaabkii ay keentay waday diyaarada ee dib u dhaca afarta cisho la kulmayay ayaa sheegay inay cabsi iyo wal wal la soo deristay, markii dhowr jeer ay diyaarada ku degi weyday garoonka Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here