Afar Haween ah oo Ciidamada Raaskambooni ku Dileen Magaalada Kismaayo

Wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose ayaa sheegaya in halkaasi xalay lagu dilay afar haween ah taasi oo faah  faahino kasoo baxayaan qaabka dilkooda uu ka dhacay.

Waxa dad kusugan magaalada Kismaayo ay ku waramayaan in falka uu udhacay kadib markii shabaab dhaawac ahaa oo lagu daweynayey guri kuyaalla Xaafad ka mid ah kismaayo ay ka war heleen ciidamada Raaskambooni islamarkaana ay isku hareeyey gurigaasi.

Wararka lagu kalsoonaan karo ayaa usheegay Midnimo.Com in ciidamada doonayeen in gudaha guriga ugalaan hayeeshee is hortaag kusameeyeen haween kusugnaa gurigaasi.

Ciidamada ayaa rasaas ku furay haweenka kadib markii ay ka dhago adeegeen amar ay siiyeen ayaa waxay sababtay in afar haween ah ku dhinteen rasaastaasi.

Ciidamada markii ay gudaha guriga ugaleen ayaa waxa la sheegay inay goobta kusoo arkeen faashado dhiig leh oo loo maleynayo in shabaab dhaawac ahaa halkaasi lagu daweynayey.

Afarta Haween ee lagu dilay magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Raaskambooni sheegeen afarta haween ee la dilay ahaayeen kuwo shabaab ahaa saacadaha soo socdana faah faahino ka bixin doonaan.

Wixii kasoo kordho insha allah Kismaayo iyo arimaheeda dib kala soco.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here