Af Soomaaligii oo Abtirsiimo Loo Helay!

Abuukar Al-Badri
Abuukar Al-Badri

Inkasta oo ummadda Soomaaliyeed loo geystay dhibaato baahsan oo wax lagu qiyaaso aanay jirin, isla markaana gummaadkeeda iyo dibindaabyadeeda aysan u kala harin dowladaha dunida gaar ahaan kuwooda ugu waaweyn iyo kuwa cadowga ummadda Soomaaliyeed ah balse Allaah uu awoodiisa nagula ollogeeyey, haddana ummaddu ma Alle iyo aqoon yahan la’ayn oo baaba’a lala rabay uma aysan gaarin sidii loola damacsanaa oo wax baa u kala haray.

Anigu, waxaan ka mid ahay dadka aanan marnaba ka quusan, kana quusaneyn inay Soomaaliya mar uun dunidan saameyn weyn oo sharaf iyo karaamo huwan ku yeelan doonto, gundhiska iyo garruumeynta lagu hayaana ay ka qaadi doonto karti, adadeyg iyo hawl karnimo.

Taas waxaan u cuskanayaa inaan gooro kale duwan la kulmo tusmooyin niyadeyda ka meyra raja-beelka uu i badayo waqtiga iyo walbahaarka ay ummaddu ku sugan tahay iyo urugooyinka ay geysanayaan kuwo gacal la marin habaabiyey ah iyo cadowgii marin habaabiyey.

Maalin aad iigu weyn oo aan xusuusteyda ka go’i doonin ayay ii tahay labadii bisha 1aad ee gu’gan (02/01/2010). Maalintaas waxaan ka qeyb galay kulan ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah qorayaal iyo barayaal Soomaaliyeed oo reer Sweden ah iyo Cilmi Baare Afka Soomaaliga raad goobiddiisa ku fogaaday oo la yiraahdo Caliqeyr M. Nuur.

Ujeedka kulanku wuxuu ahaa in buug uu qoray Ustaad Caliqeyr la dul maro oo wixii fikir ah lagu biiriyo. Anigu waxaan filanayey buug caadi ah, sida in badan dhacda oo aan ka qeyb galo kulamo buugaag cusub oo soo baxaayo, la saxayo, laakiin buuggu wuxuu noqday mid raad igu reebay oo aan jecleystay inaan durba wixii i cajab geliyey u dul maro akhristayaasha, waxaanna xaqiijinayaa inaan dulmarkan aan ogolaansho u weydiistay Ustaad Caliqeyr iina ogolaaday.

Buuggan oo magiciisu yahay “ABTIRISKA ERAYGA AF-SOOMAALIGA” inta aan dheehanayey qoraalladii la soo bandhigayey iyo fikradihii aan ka dhiibaneynay, wax badan kama aanan sixine isagaaba annagii sixiddiisa naloo ballamiyey na saxay baan oran karaa, gaar ahaan aniga wax badan ayuu ii iftiimiyey.

Waxa cajiibka ah ee aan buuggaasi kala kulmay ayaa waxay yihiin inuu xambaarsan yahay dhaxal muhiim ah oo ummadda ka maqnaa loona baahnaa in inta la soo cilmi baaro, la saxar tiro, kaddibna lagu biiriyo manaahijta cilmiga ah ee dalka, si ubadka Soomaaliyeed u bartaan Afkooda hooyo iyo asalka uu ku qotomo.

Buuggu wuxuu gebi ahaanba u abtirinayaa erayada Af Soomaaliga, wuxuuna soo bandhigayaa waxa ay ku fadhiyaan macne ahaan tirooyinka Soomaaliga, isagoo qoraagu sheegayo xiriirka ka dhexeeya tirooyinka Soomaaliga iyo roobka ama cimilada guud ahaan.
Buuggu wuxuu leeyahay Xeer sal u ah u abtiriska Erayga Af-Soomaaliga, xeerkaas oo si aad u sahlan qof walba oo buugga aqriyana si fudud u fahamsiinaya salka erayga Soomaaliga ah iyo abtiriskiisaba.

Ustaadka Buugga ku dhigay cilmi baaristiisa qiimiga badan ayaan la sheekeystay oo aan weydiiyey dhawr su’aalood, waxaanse idin soo hor marinayaa su’aashii ugu dambeysay ee aan weydiiyey maadaama ay saameyn badan leedahay.

“Maxaad ka faa’iideysaa inaad cilmi baarinstan intan la eg waqtigaaga gelisay”? ayaan weydiiyey, wuxuu iigu jawaabay. “Haddii buuggan iyo cilmiga ku qoran manaahijta dalka lagu daro, dadka Soomaaliyeedna ay maalmaha, bilaha iyo xilliyada ku adeegsadaan afkooda hooyo, waxaan isu arki doonaa qof ummadiisa wax u qabtay, oo wax dano dhaqaale ah kama lihi oo isma lihi xitaa intii kaa gashay baa kaaga soo noqon doonta”

Qoraaga dadaalka sanadaha badan waday, haddana soo bandhigay dhaxalka kumanaan qarni ummadda ka maqnaa ayaa wuxuu hiigsanayaa oo kaliya in wixii uu maskaxdiisa, waqtigiisa iyo cilmigiisaba isugu geeyey wax laga barto oo ay ummaddu wax ku dheefto. Isagu inuu wax ku dheefo muhiimad badan uma lahan, bulshada teeda ayaa kala weyn tiisa gaar ahaaneed. Ee wacanaa walwaalidda danta guud.

Aan u soo dhaadhaco qoraalkeyga aan ku qalin daarayo buugga “ABTIRISKA ERAYGA AF-SOOMAALIGA” Buuggu wuxuu ka kooban yahay qeybo badan oo kala duwan oo ay ka mid tahay qeybta “180-ka eray ee asaaska u ah af-Soomaaliga”.

Sida ay soo saartay cilmi baarista uu Caliqeyr ku sameeyey af-Soomaaliga, eray kasta oo Soomaali ah wuxuu sal ahaan ka kooban yahay hal shibbane iyo hal shaqal, eraygii intaas iyo wax ka badan ka koobanna waxaa loo qaadanayaa inuu ka kooban yahay laba eray oo isu tagtay.

Waxaan tusaale u soo qaadanayaa saddex qodob oo ka mid ah `Xeerka Abtiriska Erayga Af-Soomaaliga` aniga oo ku salaynaya abtiriska saddexda eray, sida uu buuggiisa ku dhigay cilmi baaraha. Waana qodobbada 1aad, 2aad iyo 4aad ee “Xeerka Abtiriska Erayga Af-Soomaaliga” ee uu Caliqeyr soo saaray. Waxaase xusid mudan in uu xeerkani yahay toban qodob balse aan halkan ku xusayno saddex qodob oo keli ah.

Saddexda Qodob Ee Xeerka Abtiriska Erayga:

1. Eray kasta oo af-Soomaali ah salkiisu waa hal shibbane iyo hal shaqal oo midoobay. Shaqalku haddii uu shibbanaha dibgale u noqdo waxay samaynayaan eray ‘tabane’  ah sida ba,  ra, ma iwm. Haddiise uu shaqalku horgale u noqdo shibbanaha waxay samaynayaan eray ‘togane’  ah sida ab, ar, al iwm.

2. Hal shibbane haddii ay laba shaqal oo isku mid ah gadaal ama hore ka maraan waxaa shaqalladaas laga qaadanayaa hal shaqal oo keli ah sida aad oo noqonaya ad ama aal oo noqonaya al.

4.. Eraygii ka kooban laba shibbane ama ka badan waxaa loo aqoonsanayaa laba eray ama in ka badan oo midowday sida hab oo ka kooban (ha + ab), ama habar oo ka kooban (ha + ab + ar).

Qoraagu kuma ekaan ka sheekeynta sida ay erayadu u sameysmaan oo keliya, laakiin wuxuu eray walba oo Soomaali ah ee uu cilmi baaray ku qotominayaa xiriirka ka dhexeeya erayga iyo micnihiisa, iyo weliba xiriirka kala dhexeeya hab dhaqanka sheyga ama noolaha eraygaasi loo adeegsado iyo cimillada ama dabeecadda.

Waa wax cajiib ah, waana arrin aan qof walba ku fekeri karin qof Allaah waafajiyey mooyee inuu sidan oo kale intuu qalin u qaato ka jibo keeno af dhan oo ummadi ku hadasho abtirsiimadiisa.

Haddaba, haddii aan soo aragnay qodobo ka mid ah Xeerka Abtiriska Erayga Af-Soomaaliga, aan eegno iyadoo erayo gaar ah lagu dabaqayo xeerkan.

Si aan tusaale mug leh uga bixino xikmada uu buuggu xambaarsan yahay, aqristayaashuna u fahmaan ujeedka qoraaga ee erayadan loo abtirinayo ayaa waxaan soo qaadaneynaa saddex eray oo laga soo goldooxay buugga “Abtiriska Erayga Af Soomaaliga”. Erayadani waxay aqristaha barayaan adeegsiga xeerkan cusub  gaar ahaan qodobada aan kor  ku xusnay.-

Erayga baad –ka (m): oo macnayaashiisu yihiin, ka dhaxid halkii lagu hoyan jiray. Mid ka mid ah baalasha shimbirta. Cunto siiba doogga ay xooluhu daaqaan (biyo iyo baad) iwm. Waa eray ka unkamay ba + ad ayuu leeyahay qoraagu.

Marka la soo qaato “Ba” keliya wuxuu macnaheedu noqonayaa dhammaadka wax hore u jiray, sida; dhimasho;  baabba’ iwm. Macnaha erayga ad isaguna wuxuu noqonayaa meel ka tegid oo meel kale tegid. waana salka erayga “aad”.

Haddaba, BA haddii lagu daro AD (ba + ad) waxay sheegayaan wax jira balse dhamaanaya ama u socdo dhankii baabba’a.

Intaas kaddib, qormadu waxay fiiro kale u celinaysaa sida uu erayga baad ku yeeshay saddexda ujeeddo ee kala ah –cunto, baal shimbireed iyo dhixitaan.

1) Baad marka uu cunto iyo doog la xiriiro waa eray muujinaya wax markaas la cunayo.  Waxa la cunayo mar kastaba waxay u socdaan dhankii baabba’a, jeer la wada cuno oo waa ba’ aad. Sidaas ayay wixii la cunayey ku noqonayaan wax aaday dhankii baabba’a oo loogu yeero baad.
2) Baad marka lala xiriiriyo baalka shimbirta wuxuu tilmaamayaa dhaqanka duulista.  Ayaanka taranka ee ab saldhiggiisu waa dhulka laga soo bilaabo aska ilaa iyo arka. Balse wixii aska iyo arka ka sarreeya ee aada dhanka sa’da iyo ra’da waxay u gelayaan ayaanka  (ba’) oo lid ku ah ayaanka (ab). Sidaas ayuu baalku ku noqanayaa ba-aad ama kii ba’a aadayey.  Buuggan qaybihiisa hore ayuu qoraagu ku fasirayaa macnaha ab, sa, ra iyo ar.

3) Baad marka lala xiriiriyo ka dhaxista golihii lagu hoyan lahaa, wuxuu noqonayaa eray inta badan loo adeegsado xoolaha. Tusaale ahaan laxdii dhunta ama ridii aanan ku soo hoyan xeradii lagu ogaa waxay halis ugu jirtaa in uu bahal cuno. Sidaas awgeed neefkaasi wuxuu aaday ba’ ama waa ba’ aad  oo wuxuu habeenkaas la jaalay ayaankii geerida ee ahaa  (ba’).

Haddii aan isla garannay sida wanaagsan ee uu qoraagu u dhigdhigay erayga “baad” oo aan barannay abtiriskiisii iyo waxa macnihiisu ka dhigan yahay, aan eego erayga labaad ee aan idinkaga soo xulay buugga. Eraygani waa eray qof walba uu garanayo, waana “baal” oo aan kor ku soo sheegnay in “baad” saddexdiisa macne uu ka mid yahay mid la mid ah erayga baal. Wuxuu ka mid yahay xubnaha ay shimbirtu ku duusho midkood. Waana eray ka kooban ba + al.
Wuxuu qoraagu sheegay in erayga ba uu yahay ayaanka baabba’a, geerida, wax la’aanta iwm. Halka erayga “al” uu noqonayo aallid, ku sugnaan iwm. Al waa salka aal, marna waa lidka la’ oo ah salka la’aan.

Haddaba, ba + al waxay sheegayaan wax yaalla meel ba’an. Ayaanka ba’ lidkiisa ah ab waxaa saldhig u ah dhulka oo ay wax ka tarmaan balse baaxadda maran ee dhulka ka sarreysa waa meel aanay waxba ka tarmin oo waa saldhigga ayaanka ba’ oo ah meel ay wax ku ba’aan.

Sidaas awgeed qoraaga buuggan u abtirinaya erayga af-Soomaaliga wuxuu ina leeyahay wixii ka duula saldhigga ab oo ah dhulka, isla-markaana aada dhanka waayeenka sare ee cirka, waxay u gelayaan saldhigga ayaanka ba’ ee ah baaxadda maran ee dhulka ka sarreysa inta ay doontaba ha gaartee. Kol haddii ay sidaas tahay, israaca erayada ba + al waxay tilmaamayaan hawsha duulista ah ee ba’-aalka ah.

Erayga saddexaad ee aan idinkaga soo xulayo buugga wuxuu noqonayaa erayga dad oo aan wada og nahay, waxaana dhamaanteena nahay dad, oo waan u baahan nahay inaan ogaanno sida aan ku qaadannay magacan ku dhisan xarfaha DAD iyo waxa abtiriskiisu yahay. Haddaba qoraagu ha noo sheego sida aan dad ku noqonnay iyo waxa uu eraygu macne ahaan salka ku hayo.

Erayga Dad –ka (m): Macnihiisu waa Ilma-Aadam ama uunka ka tarmay Abkow Aadam iyo Aboota Xaawo (NKH).. Waana eray ka unkamay da + ad.

Macnaha da waa curasho, dhalasho, hibitiqid ama da’id, waana  shin-tiriska inta ay wax  soo jireen ama jiri doonaan. Haddii aan si ka sii fudud u iraahdo da waa xilliga uu uunku jirayo, laga bilaabo marka uu dhashay illaa marka uu dhinto ama baabba’ayo.

Erayga da waxaa loo adeegsadaa siyaabo badan, hadba ujeeddadiisa waxaa rogroga habka loo adeegsado iyo erayada lagu kabo.  Haddiise aan qooraansanno tusaalayaal uu qoraagu ka sameeyey eraygan (da) waxaan ka baraneynaa mugga iyo baaxadda uu leeyahay.

Erayga da wuxuu sameynayaa macne ah bilowga ay wuxu ku dhalanayaan, ku curanayaan ama ay uga dhambalmayaan halkii ay ka abuurmeen. Curashadu waa fal muujinaya wax is deynaya. Sidaas awgeed qofka laga waaninayo in uu iska dhaafo qabashada ama sii haynta wax aanan loo rabin waxaa lagu yiraa –daa (da) oo ujeedkeedu yahay –ka fuq, ka har iwm.

Dhanka kale, hawl la qabanayey marka lagu  noogo waa la iska dhaafaa. Iska dhaafkaas laga fuqayo wixii la hayey waxaa la yiraa daal (da+al) oo ujeeddadiisu tahay wax yaalla isla halkii ay wax uga fuqeen ama uga hareen. Da’du ama wixii dhashay haddii aanay ka tegin meeshii ay wax uga hareen ama ay ku dhasheen waxay noqonayaan da-al (dal). Sidoo kale wuxu halkii ay ku dhasheen ee ay weligood aallaan ama joogaan ayaa u ah da-al (dal).

Si taas ka duwan, ab oo ah ayaankii taranku wixii uu ka baxayo ama deynayo  waxaa la yiraahdaa da–ab (dab). Sababta oo ah dhirtu marka ay gubanayso waxaa ka baxaya ama waxay daynaysaa abka magaciisu yahay ar oo ka yimaada biyaha. Gubashada ay dhirtu ku dayso ab-kii arka ayaa noqonaysa ab daa ama daa ab oo samaynaya dab. Abkaasi marka uu ka baxo ayay wixii gubanayey isu rogayaan danbas (da+an+ba+as) oo ujeedkeedu yahay –waxdheef   ba’ay oo aaska galay.

Da waan ka soo sheekeynay, haddase aan u dhaadhacno waxa uu buuggu ka yiri ad oo ah dibgalaha erayga da-ad (dad).

Ad: Macnihiisu waa meel ka tegid oo meel kale tegid. Sidoo kalena ad waa lidka da marna waa salka aad.  Bal haddana aan tusaalooyin kooban u soo qaadanno erayada uu erayga (ad) la falgalo.

Erayga dab oo ka unkamay da+ab ee aan soo xusnay haddii dhanka kale loo rogo wuxuu noqonayaa ba+ad (bad).  Ba oo ah ayaanka geerida ee lidka ku ah ab haddii uu raaco ad (aad) wuxuu sheegayaa wax aadistooda lagu ba’o. Mar haddii aan isla garannay macnaha erayga hore ee dab, bad isna waa biyaha maanyada oo ah kuwo dhaqan ahaan lagu hafto. Balse ba+ad (ba+aad) haddii loola jeedo wax la’anaya ama la cunayo ee dhanka ba’a u socda waa baad oo ah magac-u-yaalka raashinka ama wixii kale ee la cuno.

Haddaba israaca da + ad ee noqonaya (dad) wuxuu tilmaamayaa dhaqankii hore ee aadanaha ee lagu dhaqmi jiray ka hor inta uusan abuurmin hab-nololeedka magaalooyinka, oo wuxuu dhaqanka dadku ahaa mid ku dhisan guurguur ku saleysan ugaarsi iyo qaraabsi. Sidaas awgeed ma aanay jirin da’ ama jiil ku nagaada halkii ay ku dhasheen deegaan ahaan ee hadba meeshii dheef ama noole la ugaarto laga helayo ayaa la aadayey, sida xoolahaba loogu guuriyo hadba meesha naqa leh.

Dhaqanka da+aadka ah ee aanan lagu hakan meeshii lagu dhashay waxaa leh  roobka oo aanan ku joogsan halkii uu ku da’o balse meel kale aada. Maaxashada biyahaas roobka waxaa la yiraa daad (da+ad) oo waxay isku magac yihiin aadanaha la yiraahdo dad (da+ad).

Dhurta labada eray ee da-ad waxay tilmaan u yihiin dhaqankii ooga-meermeerka ahaa ee dadkii hore. Balse Aadanuhu  kama wada tegin hab-nololeedkii da-adka (dadka) ahaa oo in badan ayaa weli ah dad ama reer-guuraa.

Kani waa tusaale nagaga filan inaan ka sheekeyno abtiriska loo helay erayga af-Soomaaliga, haddana waxaan qooraansaneynaa in yar oo ka mid ah sheeko aan la yeeshay cilmi baaraha qoray buugga Md. Caliqeyr M.. Nuur.

Waxaan Caliqeyr weydiiyey goorta ay ku dhalatay inuu Afka Soomaaliga erayadiisa u raadiyo abtirsiimo, si uu uga sal gaaro macnaha dhabta ah ee eray walba iyo sida uu xiriir ula leeyahay waxa loo isticmaalo. Sidaan bayna u dhacday jawaabtii uu bixiyey.

“Sida aan hubo 1997-kii ayay aheyd markii aan is weydiiyey baahida ku saabsan cilmi baaristan aan sameeyey. Goortaas bay ahayd kolkii aan ku baraarugay inay jirto baahi loo qabo in la helo ab iyo asal loo tiriyo erayga Soomaaliga ah”.

Mar aan weydiiyey sida uu ku helay magacyada maalmaha af-soomaaligana wuxuu yiri: “Arrinkan waxaan kala sheekeystay oo aan ka soo xigtay indheer-garato aan ka xusi karo Xaashi Cali Ugaas oo ahaa reer Hiiraan oo aan ka koobiyey abbaaraha 1984-kii, abwaan Xasan Sh. Muummin Gaafane oo ahaa reer Awdal oo aan isagana ku kulannay dalka Norway, iyo abwaan Yuusuf Cabdillaahi oo loo yaqaan “Shaacir”. Abwaankan dambe oo ah reer Togdheer waxaan ku wareystay taleefan gugii 2008-da isaga oo dalka Ingiriiska u jooga arrimo la xiriira horumarinta af-Soomaaliga” ayuu yiri Caliqeyr.

Waxaa kale oo aan Caliqeyr warsaday jidkii ay la oo martay cilmi-baaristani, wuxuuna ii sheegay in horraantii wax-qabadkiisa uu ka bilaabay baarista macnaha ay sameyn karaan xarfaha shibanayaasha ah ee afka Soomaaliga haddii mid mid meel loo dhigo oo aan wax kale la raacin, taas oo uu ii caddeeyey inay la soo martay marlaxado kala duwan oo mararka qaar u horseedayey inuu ka quusto, haddana meel uun bay uga iftiimayeen waxyaabo ku dhiiri geliya inuusan niyad jebin oo uu hawsha dhameystirto.

Xilliga uu Caliqeyr sida dhabta ah u bilaabay inuu cilmi baaristiisa qalinka ku bud-dhigo waxay aheyd 1997, 15 sano kaddib markii uu bilaabay inuu dadka wax garadka ah ee af-aqoolka ah kala sheekeysto hawsha, hase yeeshe sanadka 2009 ayey noqotay marka uu sida rasmiga ah ugu guuleystay inuu helo 180 eray oo saldhig u ah dhammaan erayada ama afka Soomaaliga ee lagu hadlo.

Geeddigan cilmi baariseed ee Md. Caliqeyr keligiis u dhaqaaqay, Eebbihiisana uu la kaashaday ayaa wuxuu ugu dambeyn soo saaray xog asaasi ah oo oraneysa dhamaanba xarfaha shibbanayaasha ah ee af-Soomaaligu waa 18 xaraf oo keliya, kuwaan oo iyagana noqonaya min 10 eray oo wadartoodu noqoneyso 180 eray ee sameeya dhamaanba erayada Af Soomaaliga.

Waxaa xaqiiqo ah inuusan jirin xaraf aan 180-kaas aheyn oo ka bilowda eray Af-Soomaali ah haddii laga reebo xarfaha X, C, Kh, oo qoraagu uu sheegay in labada hore (c & x) ay ku yimideen horumarkii uu dhowaan sameeyey afguriga Maxaatiriga, halka uu xarafka kh isaguna yahay mid la yimaad erayada afka qalaad balse aanu ku jirin codka af-soomaaliga.

Bal si ay aragtidani noo deeqdo aan tusaalaha ugu horeeya u soo qaadano xarafka “B” iyo sida uu u sameeyo erayada Af Soomaaliga.

Marka uu shibbanaha “B” horgale yahay:   BA          BE           BI           BO          BU.
Marka uu shibbanaha “B” dibgale yahay: AB          EB           IB           OB          UB-

10-ka Nooc ee kor ku xusan kaliya ayuu xarafka (B) erayada u sameeyaa, mana jiro hab kale oo uu u sameysmi karo. Eray kasta ee ku sameysmaya xarafka “B” intaas uun buu noqon karaa haddii la raaco Xeerka Abtiriska Erayga af-Soomaaliga ee uu cilmi baaristiisa ku soo bandhigayo Caliqeyr, haddii xeerkan la diidana aniga ka qoraa ahaan iima muuqato tab kale oo “B” ay ku sameyn karto erayo intaas ka baxsan. Qoraagu eray kastaba wuxuu siinayaa macne sugan.

Dhanka kale, erayo badan oo Soomaalidu u taqaano macnayaal ayaa wuxuu qoraagu soo bandhigayaa inay leeyihiin macnayaale kale oo weliba laga yaabo inay kaga dhaw yihiin macnaha haatan loo yaqaano. Erayadaas waxaa ka mid ah erayga “boqor” oo dadku u yaqaanaan in loola jeedo hogaamiye qabiil, dal ama qowmiyad iyo weliba in loo nisbeeyo Allaah (KA).

Md. Caliqeyr wuxuu buuggiisa ku leeyahay kalmedda boqor wuxuu asalkeedu ka soo jeedaa “bu’qor” oo macnaheedu yahay inay jirto maro saddex midab leh oo ay hablaha Soomaaliyeed dhexda ku xirtaan taas oo ay ugu talo galeen inay dhexda u yareyso oo ay bu’da u qorto, ama bogga u qorto hadba sida uu qof waliba ku fahmi karo.

Sidoo kalena hogaamiyeyaasha beelaha Soomaaliyeed ama kuwa ay isku bahda yihiin ee Oromada waxay iyaguna madaxa ku duubtaan maro seddax midab leh oo la mid ah midda ay dumarku Soomaaliyeed dhexda ku xiran jireen, taas oo laga dareemi karo marka ay haweenka xiranayaan dharka hidde Soomaaliga inay gashadaan dharkii kaddibna maro dhexda ku xirtaan.

Maradaas ay ugaasyada ama hogaamiyeyaasha qowmiyadaha duub ahaanta u xirtaan ayaa sidoo kale loo yaqaanaa boqor, taas oo qofkii loo xiray duubkaasina uu noqonayo “boqor” oo macnaheedu yahay in la boqray. Halkan ayuu qoraagu ku afwaajinayaa faallada ay aqoon-yahanku ka bixiyaan ujeeddada boqorka, isla markaana wuxuu soo bandhigayaa falsafad diimeed oo arrinkan ka dambaysa.

Qoraagu waxaa kale oo uu isku mashquuliyey inuu ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigo sida ay Soomaalidu u isticmaali jirtay bilaha, maalmaha iyo xiliyada inta aan la qaadan hab tirsiga bilaha ee ka soo jeeda afka Gumeystaha iyo maalmaha oo iyaguna ka soo jeeda afka Carabiga ee loo nisbeynayo inay la saan qaadeen diinta Islaamka markii ay Soomaaliya soo gaartay.

Haatan warku waa guul, Caliqeyr-na wuxuu ummadda u soo bandhigayaa maalmo iyo bilo af-Soomaali ah oo abkoodii rasmiga ahaa lagu qotomiyey, waana haddii guushaasi ay ummadda Soomaaliyeed siiso muhiimadeeda.

Hubaal, buuggu waa mid barasho iyo aqrin mudan, waxaana dhihi lahaa erayga afka qalaad lagu yiraahdo ee (a must read book), kaas oo aqrintiisu ay dhur u tahay aqoon yahanka Soomaaliyeed, caruurtana in manhajka dalka loo dejinayo loogu daro ay aad u haboonaan laheyd, waase haddii ay talo yeelayaan dadka manaahijta u dejinaya qeybta Barbaarinta iyo Waxbarashada ee dalka Soomaaliya
Buuggan wuxuu sidoo kale caawinayaa dadka qoraya Naxwaha afka Soomaaliga, kuwaas oo badanaa xoogga saari jiray inay isku mashquuliyaan dhismaha ku dhacaya erayga Soomaaliga, balse buuggani wuxuu ka saacidayaa inay ugu horreynba ogaadaan eray walba iyo salkiisa.

Ugu dambeyntii waxaan doonayaa inaan ku soo qatimo oraah yar. Ummadi haddii uu hogaankeedu xumaado in is xilqaanta oo masiirkeedii u fekerta ma weydo. Caliqeyrna wuxuu ka mid noqday intaas yar ee waqtigoodii geliyey inay ummaddan afkeedii la tartan siiyaan afafka kale ee dunida iyadoo weliba haddii waqti iyo dhaqaale la geliyo fikirka cilmiyeed ee Buuggan ku qotoma ay Soomaalidu ku doodi karto inuu af-Soomaaligu yahay Afka asalka u ah dhammaanba afafka kale ee dunida looga hadlo. Arrintaas waxaa loo daliishan karaa 180-kan eray ee sameeya Af Soomaaliga oo ay noqoneyso markii ugu horreyey ee luuqad ka mid ah luuqadaha dunida sidan oo kale sal loo helo dhammaanba inta eray ee ay luuqaddu ku sameysanto.

Waxaan talo ugu soo jeedinayaa Qorayaasha, Saxafiyiinta, Macalimiinta iyo suugaan yahanada Soomaaliyeed inay isu xilqaamaan sidii ay cilmigan qiimaha badan leh u gaarsiin lahaayeen ummadda ay indhaheeda yihiin ee uu xilkeedu saaran yahay, waalidiinta Soomaaliyeedna waxaan leeyahay haddii aad ubadkaaga mustaqbal wanaagsan yeesho iyo inuu dalkiisa hooyo anfaco aad dooneyso, ku dadaal inuu ubadkaagu aqriyo cilmiyada la xiriira aasaaskiisa dhabta ah, buuggan Abtiriska Erayga Soomaaligana waa qof iyo mid.

Wixii dhaliil ama ammaan ah, ku soo hagaaji …. Abukar.albadri@gmail.com

 Abukar Albadri
A Photojournalist
Tel: +2521 5548886, Mogadishu.
Tel: +254 722366651, Nairobi.
email: badri.media@gmail.com
Mogadishu Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here