Adriano oo inkiray ku lug lahaanshaha gabar xabad lagula dhiftay dalka Brazil

Weeraryahanka kooxda Corinthians ee dalka Brazil Adriano ayaa inkiray inuu ku lug leeyahaya eedeymaha sheegaya inuu toogtay gabar dhalinyara ah kadib su,aalooyin ay weydiiyeen booliska.

Gooldhaliyahan caanka ah ayaa ka qeybgalay tababarka ay sameyso kooxda maalin kasto xerada Precinct 16 ee magaalada Barra de Tijuca kadibna waxa uu qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay eedeynta loo soo jeediyey.

Wuxuu qiray in gabadha la dhaawacay oo la yiraahdo Adriane Cirilo dos Santos ay iyada qudheeda isku dhifatay xabada taasi oo uu sheegay in ay u cadeysay sunta budada ah ee ka dhacdo xabada.

“Tijaabada la sameeyey ayaa muujineysa in aniga aanan been sheegeynin, adinka ayey idin jirtaa i aamina ama ha i aaminina, waxaan la yaabaa in marki ay arrin ku dhacdo Adriano sida ay u yeelato saameyn,” ayuu yiri Adriano oo uu soo xiganayey Globoesporte.

29 jirkaan ayaa cambaareeyey gabadhan oo uu ku sheegay in ay ula dhaqantay si qaldan iyada oo aanan booliska runta uga sheegin waxa dhacay, sidaasi daraadeedna waxa uu tilmaamay inuusan wax dhaqaala ah ku bixin doonin baxnaanadeeda oo uu horay u qorsheeyey inuu dhaqaale siin doono.

“Waxaan aqaanaa qof ay saaxibo yihiin oo kalaabka joogay, waxay aheyd marki iigu horeysay ee aan wajigeeda arkay laakin waxa ay sameysay ma aheyn wax cadaalada ah ma lahan wax dabeecad ah, waxan rabay in aan booqdo oo aan wax ka taro dawooyinkeeda laakin hada taasi ma sameynayo,” ayuu yiri.

Adriano ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxaha Parma iyo Inter Milan ee dalka Talyaanga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.