Admiral Sayyari: Burcadeeda Soomaalida waxay curyaamiyeen dhaqaalaha caalamka

Abaanduulaha ciidamada bada dalka Iran Admiral Habibollah Sayyari  ayaa sheegay in burcad badeeda ay dhaawac culus gaarsiiyeen dhaqaalaha caalamka iyaga oo leexsaday lacag dhan $7 billon.

Admiral Habibollah Sayyari ayaa sheegay in Iran ay xooga saareyso la dagaalanka burcad badeedka walina ay ku jirto olalaheeda difaacida iyo ku roondeynta biyaha Geeska Africa.

Qudbad uu ka jeediyey shirweynihi 20-aad ee hey’adaha xaga Badda ee Iran oo ka dhacay xeebta Kish Island ayuu ku sheegay Taliyaha ciidamada Bada Iran  in burcad badeedu ay afduubteen 1,090 oo la heyste isla markaana ay dhaqaalaha caalamka ku dhaawaceen lacag dhan 7 ilaa 12 billion oo dollars.

Mr Sayyari ayaa ku eedeeyey dowlada Mareykanka in ay sii qaseyso xaaladaha colaadeed ee ka jira Soomaaliya, iyada oo si sharci darro ah uga kalluumeysaneyso biyaha Soomaaliya isla markaana ay ku qubeyso xeebaha wasaqda iyo sunta Niyukleerka taasi oo  keentay buu yiri amaan darri soo wajahday xeebaha Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.