Adeer Xamar Aakhiraa noo dhaanta !!! Faallo

Adeer Xamar Aakhiraa noo dhaanta !!! Faallo
Adeer Xamar Aakhiraa noo dhaanta !!! Faallo

Waa habayn barkii xili uu aadanuhu intiisa badan hurdo , Telifoonkayga oo aan inta badan habaynkii damin jiray dhawaaqay , Ilaahay amarkii habaynkaas waan iloobay inaan bakhtiiyo , anigoo naxsan ayaan durba qabtay , waa qofma , markiiba waxaa ila hadlay wiil aan adeer u ahay oo aad moodo inuu ordayo sina codkiisa hoos ugu dhigayo , wuxuu yiri adeer waa Muuse , waxaan caawa kuusoo wacay xiligaan danbe inaan ku mac salaameeyo , waan baxayaa ilaahay ayaana garanaya inaan dib isu maqli doono .

Adeer macaane marka hore Dukaanka reer Xaaji Guure waxaan shalay ka qaatay adeeg, lacagta aan Mobilkaaga kusoo shubay waxay leeyihiin 9 Doollar ,30 Doolar iskoolka ayaa leh, inta kalana waxaad siisaa agoonta ilma Guutaale, anigoo dhaka faarsan marna moodaya inaan riyoonayo ayaan iri adeer xageed ku socotaa xiligaan danbe , wuxuu yiri adeer markuu waaga Baryo hadduu ilaahay yiraahdo akhriso warqadda aan kuugu soo dhiibay een laguu keeni doono khayr ayaana kugu dhaafay salaan iga gaarsii walaashay Farxiya Nabad galyo Insha allaah .

Telifoonkii ayaan ku celiyay mise wuu dansan yahay , anigoo yaaban kuna qanac sanaa inuusan Muuse ahayn dhalinta Shabaab u dabac san isla markaana og siduu uga fakarayay Gabadha kaliya ee qoyskoodii shisheeyaha iyo sokeeyuhu kala gaabiyeen ka hartay ayaa waxaa durba iisoo dhacay fariin gaaban oo telifoonka Wuxuu yiri ( adeer ilaahay ayaan kudu dhaarinaye markaad akhrisato waraqadda jeex jeex ) Dhaka faar ayaan la seexan waayay, waxaan sugi waayay intuu waagu baryayo iyo qofka keeni doona warqadda uu Muuse iisoo qoray asagoo magaalada ila joogo waliba gurigayga ku nool.

Ma aadin dukaankaygii , anigoo gurigayga hortiisa fadhiya ayaa waxaa isoo maray caruur iskool u socota mid ayaa inta soo orday yiri adeer buuggaan Muuse markuu soo boxo siih wuuna sii orday , Buuggii ayaan agtayda dhigay anigoon dan iyo muraad ka lahayn Buuggan jaan ee kuraygi la ordayo , markaan xoogaa joogay ayaan buuggii kala bixiyay waxaa dhabtayda kusoo dhacay waraaq boqshad ku xiran , naxdin ayaan la qaboobay anigoon dhinacna eegin ayaan qolkaygii hurdada dalaq iri hoosna kasoo xirtay , warqaddii ayaan furay , wuxuu ku billaabay sidan .
Adeer waxaan aniga iyo walaashay goosanay inaan aar gudanno , waxaan dil toogasho ah ku dilnay 2 dii Sakaal ee walaashay fara xumeeyay waxaanse ogaanay inaysan Dunida qiime noo lahayn wixii nagu dhacay dartoodna aan uga tagno Adduunka sharafkanaga dhaawacmay , oo ay dhaawaceen ciidankii dhawri lahaa , waxaan maanta wada jir warqaddaan kuugu soo qaray caruurtaad adeerka u ahayd oo dhibaatada gaartay ay ku kaliftay inay hub qaataan , adeer markaad maqasho geeridanada ha ka xumaan , waxaa kasii xun inaan maalin walba hoos u ooyo, walaashayna ay murugo iyo calool xumo ku noolaato , Inaan nolosha ka
harno , inaad waalli xargo guriga kuugu xirnaano , Adeer waxaan u dhimanaynaa sharaftayada , waxaana wanaag oo dhan ka rajaynaynaa eebbaha wayn Nabad Galyo .

Labadaas cardunka ah oon nolosha intii ugu kharaarka badnaa lasoo maray aabbe iyo hooyo la’aan aan kusoo koriyay waxay ka mid ahaayeen dhalin yaraddii fuliyay mid ka mid ah duullaanadii shabaab ay ka fuliyeen Geeska Afrika ku naf waayay , waxay iiga tageen tiiraanyo iyo calool yoow dheeraad ah , Aabohood waxaa dilay Ciidamadii Itoobiya ee xamar xasuuqa ka gaystay asagoo Rooti miis ku gadaya , Hooyadood Rabbi ha u naxariistee waxay ka mid ahayd dumarkii hilibkooda la waray Suuqa dahabka ee Bakaaraha dhammaadkii qarnigii tagay , dagaal huriyihii Hooyooyinkaas mariyay maanta caleemo qoyan ayaa loo ruxayaa
oo waa geesi Qaran.

Haddii aan laga hortagin Falalka foosha xun ee ay Mooryaanta Marada Ciidan loo xiray ay ku kacayaan , shaki kuma jiro inay dhalin badan carada iyo ciilka la baday ay ku kici doonaan Falal galaafta qaar badan oo aan wax galabsan

F. Xiirane ( Sarkaal ka tirsanaa NNS 1976-1991 )

Fahiira@gmail.com

2 COMMENTS

  1. Inalilahi wa inaa illahi raajucun , waa arin laga naxo lagana xumaado dhacdaas , Ilaahay Samir iyo iiman hakaa siiyo . Dhacdooyinka noocan ah waa sababah dalku la degi la yahay oo aan dhoowr iyo labaatansano aan ugu waano qaadan la nahay . Arintaan waa arin si gaar ah u taabatay dadka dego gobolada dhexe iyo koofurta Somaliya . Su aash is weydiinta leh ayaa waxay tahay, Maxaa inoo xal ah . Caruurta yada iyo hantiteyniiba waa ay ku baaba een . Ilaahay umbaa garanaya xalka wanaagsan . waxaase hubaal ah hadii aynu wada hadalo oon si daacad ah aan uga wada hadalo dhibkayaga , waxaanu gaaraynaa haddii Allah weyn idmo xal,

    • qoraalkani waa been abuur. Qoraaggu waxa uu sheeganayaa in uu shaqeyn jiray hay’ad la oran jiray NNS. Hay’adana ma jirto. Malaha waxa uu u la jeeday oo ka qaldamay NSS.

      Qoraagu waa qof dhalinyaro ah oo aan aqoon u laheyn hay’adihii hore ee xilligii kacaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here