Adebayor oo aaminsan in Man City hoos u dhac uu ku iman doono marka ay ka tagaan labada walaale ee Toure.

Emmanuel Adebayor ayaa ugaga digey kooxda Man City in halis uu ku iman karo rajada ay ka qabto koobka horyaalka Ingiriiska kadib marka ay bisha soo socota ka tagaan labada laacib ee walaalaha ee Toure si ay ugaga qeybgalaan koobka qaramada Afrika.

Yaya iyo Kolo ayaa ku biiri doona xulka dalkooda ee Ivory Coast bartamaha bisha January tartanka qaramada Afrika waxayna ka maqnaan doonaan muddo afar toddobaad ah kooxda City iyadoo ay ku xiran tahay guulaha ay gaaraan xulka dalkooda.

‘Waxaan weerari doonaa bisha January,’ ayuu yiri Adebayor oo amaah Tottenham kaga soo qaadatay kooxda City xilli ciyaareedkan.

‘Waa labo laacib oo aadaya tartanka qaramada Afrika,Kolo Toure wax badan ma ciyaarayo balse waa laacib weyn, balse Yaya Toure waxa uu ahaa xilli ciyaareedkan laacib la yaab leh oo wacdaro dhigey. Balse annaga cidi naga tegi meyso oo waynu dhanahay.

‘Ma waxay u ciyaari doonaan sida ay hadda u ciyaaraan illaa dhamaadka xilli ciyaaredka? Ma garanayo balse waynau sugi oo aynu arki.’ayuu sii raaciyey Adebayor.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Weeraryahanka kooxda Spurs ee Adebayor ayaa diiday in koobka horyaalka Ingiriiska uu sanadkan u dhexeeyo labo Manchester. Inkastoo kooxaha ka dhisan London ee Spurs, Chelsea iyo Arsenal ay ku soo xigaan.

‘Chelsea waxay awoodaa wax walba,’ayuu yiri ‘laga bilaabo hadda waxay ciyaari karaan iyagoo aan laga badin taasoo ah in ay horyaalka qaadi karaan.

Fikirkeyga,Tottenham waa ay horumaraysaa. Waxaa ay haystaan ciyaaryahano fiican sanadkan. Waxaan kor u qaadi karnaa kalsoonideena.’ayuu sii raaciyey.

Tottenham ayaa talaadada Norwich la ciyaaraysa kahor inta aysan sabtida u safrin kooxda Swansea.

‘Ma oranayo waa ciyaaro sahlan laakiin haddii aad dooneysid inaad afarta koox ee ugu sareeya aad kamid ahaatid waa inaad guuleysataa ciyaarahaas oo kale ha ahaadeen kuwo gurigaaga laguugu yimaado iyo kuwa aad garoon kale ku soo ciyaarto.