Addis-Ababa:Waxaan dhex dhexaadineynaa DFS iyo Puntland

15752Doowlada Ethiopia oo maalmahaan dar dar galisay saameynteeda Siyaasada Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaaraha dalkaas  Haile Mariam Desalegne ayaa sheegay inay diyaar u yihiin dhexdhexaadin ay ka dhex sameeyaan dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Mr Hailemariam, aya xusay in doowladiisa ay ku dadaaleyso sidii laysugu keeni lahaa doowlada Federaalka Soomaalaiya, iyo maamulka Puntland ee uu hogaamiyo C/raxmaan Faroole.

Maamulka Puntland ayaa horay ugu dhawaaqay inuu gabi ahaanba xiriirkii u jaray DFS, waxaana maamulka Garowe uu ku eedeeyay DFS in wax kabadashay dastuurkii dalka u yiilay, halka madaxda ugu sareysa DFS ay si aad ah u beeniyeen eedeyntaas.

Sidoo kale maamulka Puntland waxa uu qaadacay ka qeybgalka shir looga hadlaye mustaqbalka Soomaaliya oo kusoo dhamaaday shalay Magaalada Muqdisho,kaasi oo ay Puntland ku tilmaameen mid Dowladda Soomaaliya kaliya ku eek.

Maamulka Puntland ayaan ilaa iyo hada soo bandhigin wax cadeymo ah oo muujinaya eedeymaha ay soo jeediyeen ee ah in Dastuurka wax laga badalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here