Addis Ababa:Shir ay Df codsatay oo baaqday

Shir ay codsatay dawladda Somalia, kaas oo ay ku kulmi lahaayeen wasiirradda arrimaha dibadda ee dalalka IGAD ayaa dib loo dhigay ilaa xilli dambe.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia, Marwo Fowziya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa u xaqiijisay VOA in shirku uu baaqday iyada oo dawladda Kenya ayaa codsatay in dib loo dhigo, sabab ay sheegtay in dawladaasi ayna wali lahayn wasiir arrimo dibadeed iyo xukuumad shaqeynaysa.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaas ay Somalia codsatay, laga yaabo, inuu ka dhaco magaalada Nairobi, maalin ka dib marka la dhaariyo Madaxweynaha la doortay ee Kenya Uhuru Kenyatta. Shirka ayaa laga yaabaa in uu heer madaxweyne noqdo.

Dhanka kale R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi FaaraxShirdoon Saacdi, oo ku sugan magaalada Addis ayaa xalay kulan la qaatay R/wasaaraha Ethiopia, iyo madaxweynaha maamulka Kilinka 5-aad, waxaana warar ku dhow dhow wadahadaladaas ay xaqiijinayaan in ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya iyo xiriirka labada dal.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here