AC Milan waxa ay daboolka ka qaaday Robinho in laga iibin doono Santos

Madaxwayne ku-xigeenka kooxda AC Milan ayaa xaqiijiyay in weerrar yahanka reer Brazil laga iibin dooni kooxaha Sao Paulo iyo Flamengo kuwaasoo hadda doon-doonaya.

Adriano Galliani ayaa sheegay in Robinho uu ku dhow yahay in uu saldhigto kooxda   waddanka uu ka soo keedo ka dhisan ee Santos .

Kooxda  Rossoneri oo aggaasimahooda uu ku sugan yahay waddanka  South America ayaa isku day sameenaya si uu ula yimaadi xiddigga baddala reer  Brazilian-ka marka uu furmo suuqa ciyaartoyda Yurub.

Galliani ayaa xaqiijiyay in ay xiiseenayaan weeraryahankii kooxda  Real Madrid man, laakin wuxuu qiray in Flamengo aysan baahin wayn u qabin Robinho, marka loo barbardhiyo kooxda uu ka soo bilaabay xirfadiisa ee Santos 10-sano ka hor.

“Waa suuragal in laga iibiyo Santos,” Galliani ayaa u sheegay  Globo Esporte isagoona intaas ku daray. “Ma jirto wax heshiis ah oo aanu gaarnay annaga iyo kooxda  Flamengo,sidoo kale waxa uu wadahaddal inoo socdaa  Atletico Mineiro.” Ayuu yiri Galliani.

Pato oo ayaa ka mid ah ciyaartooyda rabta in ay dib ugu soo laabtaan  waddankooda, waxana hadda aad u rabta Corinthians oo hadda uu si rasmi ah ugu wareegay,

Ciyaartoy oo reer Brazil ayaa marka ay kubadda cagta bilaabayaan waxa ay soo aadaan qaaradda Yurub sida Talyaaniga, dabadeedna waxa ay ku soo laabtaan waddankooda halkaasoo ciyaaraha ay kusoo gabagabeeyaa.

Milan waxa ay rabtaa xiddigo u badala labadan ciyaartooy ee reer Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here