AC Milan oo rabta in ay la soo wareegto Kaka

Naadiga AC Milan ayaa ku dhawaaqday in heshiis u socdo xiddigga kooxda Real Madrid ee Kaka.

War uu sii daayay mid ka mid ah wargeysyada waddanka Talyaaniga ayaa khamiista maanta ah qoray in kooxda Talyaaniga ka dhisan ay dooneyso xiddigga reer Brazil.

Labada madaxweyne ee kooxaha Milan Silvio Berlusconi iyo Madrid Florentino Perez ayaa Arbacadii shaley billaabay wadahadal ku saabsan Kaka.

30-jirkan ayaa la sheegay in uusan ku qanacsaneen joogitaanka garoonka Santiago Bernabeu,

Ciyaaryahanka ayaa ka careesan macalin Jose Mourinho oo aan boos joogta ka siin kooxda ciyaaraha ay ka qayb qaadato.

Saraakiil wakiil u ah Kaka ayaa sheegay in xiddiggan uu sheega y in uu ku soo jeedo Milan.

Kaka ayaa  ahaa xiddig ay ku tiirsan tahay Milan intii u dhexeysay 2003- illaa 2009, waxana uu hadda kooxda Madrid u ciyaaray toddobo kulan oo kaliye.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here