AC Milan oo magaalada Dubai ku garaacday kooxda PSG

Kooxda AC Milan ayaa ku guuleysatay koobka jilaalka oo ay shirkada Fly Emaretes u dhigto xiliga saxafa kooxaha ay heshiiska xayeyesiiska kula jirto.

Milan iyo PSG oo labaduba u xayeysiiya shirkadan duulimaadka ee dalka Imaraadka ayaa isku haleelay xalay ciyar saaxibtinimo oo ka dhacday magaalada Dubai, waxaana 1-0 ay guushu ku raacday kooxda AC Milan.

Goolka guusha waxaa saxiixay ciyaaryahan Pato oo ah laacib ay si weyn u raadineyso kooxda Paris Saint-Germain (PSG) kadb marki loo dhiibay kooxdaasi macalinki hore ee Milan Carlo Ancelotti.

Pato oo lagu naaneeso Boola Boolada ayaa daqiiqadi afraad ee ciyaarta dhaliyey goolka oo uu kasoo shaqeeyey Zlatan Ibrahimovic.

Ciyaartooydi Milan u safatay qeybti hore:

Milan First Half: Amelia; De Sciglio, Mexes, Thiago Silva, Taiwo; Aquilani, Van Bommel, Nocerino; Robinho; Ibrahimovic, Pato

PSG: Sirigu (Douchez 46); Ceara (Bahebeck 68), Bisevac (Lugano 46), Sakho (Camara 46), Tienè; Jallet, Bodmer (Kebano 82), Sissoko; Nenè (Landre 84), Pastore; Hoarau (Erdinc 46)

Milan Second Half:Abbiati; Zambrotta, Nesta, Bonera, Antonini; Gattuso, Ambrosini, Emanuelson; Valoti (Carmona 75); El Shaarawy, Inzaghi