AC Milan oo lasoo wareegtay goolhaye Gabriel

Kooxda AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay maanta in ay lasoo wareegeen goolhayaha naadiga Cruzeiro ee dalka Brazil Gabriel.

War lagu qoray boga internetka ee Milan ayaa lagu sheegay in kubad istaajiyahaan 19-jirka ah uu badali doono booska goolwalaha sadexaad Flavio Roma oo isaga tagay naadiga, waxa uu ku xigi doonaa Christian Abbiati iyo Marco Amelia.

“Gabriel waxa laga diiwaan gelin doonaa horyaalka Serie A asbuucyada soo aadan, kadibna waxa uu tababarka kooxda kula soo biiri doonaa July 9,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Milan.

Wiilkaan ayaa ah ciyaaryahan kusoo barbaaray kuna soo wax bartay akadeemiyada tababarka ee kooxda Cruzeiro dalka Brazil, waxa uu ka tirsanyahay xulka Brazil ee da,doodu ka hooseyso 20-jirada.

Gabriel ayaa noqonaya laacibki sadexaad ee bishaan dhexdeeda ku biiro Milan, waxa horay ay usoo qaadatay Riccardo Montolivo oo kaga yimid Fiorentina iyo Bakaye Traore oo ay kala soo wareegtay Nancy.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.