AC Milan oo la wareegtey hogaanka horyaalka Talyaaniga kadib markii ay 2-1 uga badisey Udinese.

Kooxda AC Milan oo haysata horyaalka Talyaaniga ayaa dib boorka isaga jaftay maanta kadib markii ay labo gool iyo gool ugaga badisey kooxda Udinese oo garoonkeeda lagu ciyaarayay.

AC Milan oo ciyaarihii la soo dhaafay ay la soo derseen dhaawac soo gaaray  laacibiinteeda muhiimka ahaa ayaa hadana waxaa saddex kulan ka ganaaxnaa Ibrahimovic taasna waxaa loo arkayay in weerarka AC Milan uusan afbadan lahayn.

Si kasta ha ahaate ruugcadaaga reer Italy ee Antonio Di Natale ayaa gool qurux badan ugaga naxsaday kooxda AC Milan. Hase yeeshee ciyaarta ayaa labada dhinacba ay ciyaarayeen ciyaar wanaagsan.

Kooxda AC Milan oo dooneysey inay goolka iska soo gudo haddii ay awoodo ayaa Kooxda AC Milan ayaa iska qasaarisey fursado badan oo goolal ay ku dhalin kareen, hase yeeshee Maxi Lopez ayaa goolka barbaraha u dhaliyey kooxda AC Milan waxaana goolka guusha ciyaartoo shan daqiiqo ka dhiman tahay dhaliyey weeraryahanka El Shaarawy.

Guushan ayaa waxa ay Milan kula wareegtey hogaanka Serie A kadib markii kooxda Juventus oo ugu sareysa kulan ay la yeelan lahayd Bologna uu baajiyey baraf. Kooxda Udinese ayaa kaalinta afaraad ku jirta waxana dhici karta in kooxda Inter oo berri la ciyaaraysa Novara ay ku soo dhowaato una soo jirsato labo dhibcood haddii ay badiso.