Milan oo bilaabeyso wada xaajoodka Kaka

Kooxaha AC Milan iyo Real Madrid ayaa maanta furanayo wada xaajood ay heshiis uga gaari doonaan ciyaaryahan Kaka si uu ugu laabto garoonkiisii hore ee San Siro.

Wararka kasoo baxaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in Milan ay shido ku heyso laba buurood oo ku hor gudban saxiixa Kaka kuwaasi oo la xiriira mushkilado xaga dhaqaalaha ah.

Gudoomiye ku xigeenka Milan Adriano Galliani ayaa lagu waday inuu Salaasadi shalay aheyd la kulmo gudoomiyaha Real Madrid Florentino Perez si uu ugala hadlo arrinta Kaka balse dib ayaa loo dhigay kulankaasi.

Kulanka ayaa haatan la filayaa inuu galabta ka furmo dalka Mareykanka ka hor inta aysan labada koox caawa isku arkin ciyaar saaxibtinimo oo ay ku balansanyihiin.

Warar kale ayaa sheegaya inuu soo baxayo shaki ah in Real ay ku adkeysan doonto in mushaarka Kaka aysan wax ka bixin doonin, halka Milan ay rabto in mushaarka Kaka oo aad ugu badan ay qeyb ka bixiso qeybta kalana Madrid dabarto.

Kaka ayaa sanadkiiba mushaar ahaan u qaato lacag dhan 10 milyan oo euro ah taasi oo ay walaac ka qabto Milan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here