AC Milan oo kusoo laabtay hogaanka horyaalka Seria A-da iyo natiijooyinka kulamadi galabta la ciyaaray

Kooxda Milan ayaa kala wareegtay naadiga Juventus hogaaminta horyaalka Talyaaniga kadib marki ay 3-1 ku garaacday naadiga Cesena.

Kulanki maanta oo ka dhacay garoonka Casena ee Stadio Dino Manuzzi ayaa waxaa bartilmaameed ahaa ciyaaryahan Suley Ali Muntari oo kulankiisi ugu horeeyey maanta u saftay Milan.

Muntari oo u dhashay dalka Ghana ayaa amaah uga soo tagay bishi lasoo dhaafay kooxda Inter Milan, isaga ayaana daah furay goolka koowaad ee Milan kadib marki uu saxiixay daqiiqadi 29-aad, waxaa labeeyey Arbuy Emanuelson halka goolka sadexaadna uu dhaliyey Robinho, iyadoo goolka qura ee Casena uu dhaliyey Daniel Pudil,

AC Milan waxaa ka maqnaa qaar ka mid ah laacibiinti u ciyaaray kulanki todobaadki dhawaa ay Arsenal kaga badiyeen 4-0 ee ka tirsanaa koobka Horyaalada Yurub kuwaasi oo dhaawacnaa, laakin wey u qalmeen maanta oo lama tabin.

Milan waxay hada hal dhibic kaga sareysaa horyaalka kooxda kusoo xigto ee Juventus oo ay balansan yihiin todobaadka soo aadan, waxaana ay leedahay 50 dhibcood, halka Juve ay leedahay 49 buundo.

Ciyaaraha kale ee maanta la ciyaarayna kooxaha waxay isu arkeen sidan:

Lecce 4 – 1 Siena
AS Roma 1 – 0 Parma
Genoa   0 – 1 Chievo
Novara  0 – 0    Atalanta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.